Mooshinka Farmajo: Maxay isku seegeen madaxweynaha iyo guddoomiye Mursal?

0

Todobo bilood ayaa laga joogaa markii guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya loo doortay Maxamed Mursal Cabdiraxmaan, waxaana xilligaas aad loogu arkay in uu u janjeero dhanka madaxweynaha iyo xukuumadda.

Sababtu waxa ay ahayd in xildhibaanada u janjeera dhanka xukuumadda, oo qaarkood ay xitaa yihiin wasiiro in ay si buuxda u taageereen guddoomiye Mursal.

Markii guddoomiyihii hore Prof Maxamed Cusmaan Jawaari uu meesha ka baxay, lana doortay Mursal, waxaa jiray eedeymo kasoo yeerayay dhinacyada dowladda kasoo horjeeda oo ah in baarlamaanka uu u gacan galay xukuumadda , islamarkaasna ay isku milmeen.

Maxay isku gafeen Farmaajo iyo Mursal ?

Dadka aftahanka ku ah siyaasadda, iyo kuwa falanqeeya, waxa ay ku tilmaamaan ‘Aqal Gal Siyaasadeed’ marka ay labo qof ku midoobaan siyaasadda, balse hadda waxaa muuqata in uu ‘furriin’ dhacay.

Dad aad u yar ayaa saadaalin karay in ay sidan wax u dhacayaan, waxaana aad la’isu weeydiinayaa waxa ay isku gafeen labada qof ee ugu sareeya dalka Soomaaliya.

Waxaan su’aashaas hor dhignay Prof Ibraahim Bursaliid oo ah falanqeeye siyaasadeed “Guddoomiyaha cusub weli waa aqbali la’yahay in loo bixi karo hannaan hay’adnimo iyo mid dowladnimo, weli waxa la filayaa in sidii xaal mastuurka ahayd wax kasta lagu dhameeyo” ayuu yiri Bursaliid oo intaas ku daray in Guddoomiye Mursal uu tirsanayo ixtiraam darro, uuna filayay in wax kasta oo dalka ka socda lagala tashado.

Marka ay halkaas taagantahay, warqad uu soo saaray guddoomiyaha baarlamaanka oo uu dib ugu soo celinayay guddigii maaliyadda ee ay kala direen labadiisa ku xigeen ayuu ku sheegay in la dhawro madax banaanida baarlamaanka.

Balse Bursaliid waxa uu qabaa in farogalinta ay labada dhinacba ka imanayso, isaga oo farta ku fiiqay in guddoomiyaha uu doonayo in wax laga weeydiiyo arrimaha doorashada Koonfur Galbeed, shaqadaas oo ah mid u taalla laanta fulinta.

Markii guddigii maaliyadda ay soo saareen warbixin sheegeysa in la la’yahay malaayiin doolar oo lacag ah, jawaabta waxa ay noqotay in guddigii oo dhan la kala diro, waxaana aad loo tuhunsanyahay in xukuumadda ay arrinkaas ka dambeysay, gadaalna kasoo riixday labada guddoomiye ku xigeen. Malaha waa arrintan farogalinta uu warqadiisa ku sheegay guddoomiye Mursal.

Dad badan waxa ay aaminsanyihiin in qodobka ugu weyn ee ay isku qabteen madaxda uu yahay kan doorashada dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, taas oo la sheegay in guddoomiye Mursal uu doonayay in laga talogaliyo sida wax loo maamulayo.

Waxaa xaaladda uga sii daray markii dowladda federaalka ay ciidamo dheeraad ah u dirtay magaalada Baydhabo.

Sida uu qabo Prof Bursaliid, waxaa jira arrimo kale oo uu tabanayo guddoomiyaha “Tusaale marka uu guddoomiye Mursal yahay ku simaha madaxweynaha, madaxweynahana dalka ka maqanyahay, lalama dardaarmo, isagana lagama talo galiyo hawlaha ay xukuumadda qabanayso, taasna waa u cuntami weysay guddoomiyaha” ayuu yiri.

Dowlad Goboleedyada

Golaha iskaashiga dowlad goboleedyada ma aysan qarsanin sida ay ugu faraxsanyihiin mooshinka laga keenay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Mana ahan arrin si shil ah ku dhacday in mooshinka qodobada lagu qorey ee madaxweynaha lagu soo eedeeyay ay ka mid tahay in madaxweynaha uu la dagaalamayo nidaamka federaalka .

Muddo dheer ayay soo karsamaysay xaaladda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada, waxaana laga war dhawrayay goorta xaaladaasi ay ku fatihi doonto caasimadda, Muqdisho.

Hadda dad badan wax la yaab ah kuma ahan in khilaafka ka dhex taagan madaxda dowladda federaalka ay qeyb ka yihiin dowlad goboleedyada.

Si kastaba ha ahaatee, ma jiraan wax jawaab ah oo weli kasoo baxay madaxweynaha mooshinka laga keenay iyo guddoomiyaha baarlamaanka ee qabtay mooshinka.

Xigasho BBC