Midowga Yurub Oo Ciidamada AMISOM Ka Taageerayo Ka Bixitaanka Soomaaliya

0

Ururka Midowga Yurub ayaa balad qaadey inuu ka taageeraya ciidamada Midowga Africa ee AMISOM qorshahooda ay uga baxaan dalka Soomaaliya oo 10-kii sano ee lasoo dhaafay ay kula dagaalamayeen Al-Shabaab, iyagoo gacan siinaya dowladda Federaalka.

Balanqaadka ayaa lagu shaaciyay shir dhaqaale loogu aruurinayo AMISOM oo ka furmay Khamiistii magaaladda Nairobi ee caasimadda dalka Kenya, kaasoo ay ka qeybgalayaan hogaamiyeyaal ka socda Midowga Yurub iyo dalal kale.

“Midowga Yurub waxay diyaar u yihiin inay ciidamada AMISOM ka gacan siiyaan qorshaha kala guurka iyo sidii ay uga bixi lahaayeen dalaka Soomaaliya,” ayuu yiri Pereiro Pinon, oo ah sarkaal sare oo u hadlay Midowga Yurub.

AMISOM ayaa sheegtay in Midowga Yurub uu yahay midka taageeradda ugu badan ka helaan tan iyo markii uu howlgalkooda Soomaaliya billowday 2007, iyadoo uu siiyo askartooda lacago gunooyin ah, kharashka ku baxa howlgalladooda iyo mushaarka booliska.

Midowga Yurub waxa kaloo uu bixiyaa mushaaraadka shaqaalaha rayidka ah ee u shaqeeya AMISOM iyo lacagta ku baxda saldhiga tababarka Jazeera oo ciidamada dowladda Federaalka lagu siiyo tababaro kala duwan oo khubaro ajanabi ah ay bixiyaan.

Francisco Madeira oo ah madaxa AMISOM, ahna wakiilka Midowga Africa ee Soomaaliya ayaa uga mahadceliyay Midowga Yurub Taageeradda ay la garab taagan yihiin howlgalkooda Soomaaliya, oo la filayo in lasoo afjaro labo sano kadib, iyadoo hadda ciidamada ay billaabeen inay si tartiib tartiib uga baxaan dalka.

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ayaa la lagu wadaa in si buuxda ula wareegaan mas’uuliyadda amniga dalka, marka ay AMISOM ka baxdo iyadoo qorshahaasina ay hadda wado dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.