Animation

Mid kamid ah dhalinyaro Soomaaliyeed oo ku xiran Hindiya oo u dhintey cudurka qaaxada

no responses
Wednesday November 11, 2015 - 8:30 under Somali News by admin
mqdefault
Spread the love

Mid kamid ah 120 Soomaali loo haysto dambiyo ah burcad badeednimo ayaa ugu geeriyooday cudurka qaaxada isbitaal ku yaal dalka Hindiya.

Ninkan dhalinyarada ah oo magaciisa lagu sheegay Cabdi Jaamac oo ahaa 28 jir ayaan helin wax adeeg caafimaad ah tan iyo markii laga soo qabtay xeebaha Soomaaliya bishii March 2011kii.

Meydka Cabdi Jaamac oo la sheegay in uu ka soo jeedo gobolka Banaadir ayaa la qorsheynayaa in lagu wareejiyo safaarada Soomaaliya ee dalka Hindiya.

Safaarada Soomaaliya ee dalka Hindiya oo aan wax xil ah iska saarin dhalinyaradan Soomaaliyeed  oo muddo dheer isaga xirnaa xabsiyo ku yaal dalka Hindiya ayaa dhowaan ku booqatay xabsiga ay ku jiraan oo ah mid ciriiri ah waxana ay safaarada ka soo qortay dhalinyaradan inay qirteen dambi ah burcad badeednimo.

Booqashada xabsiga ee diblumaasiyiinta safaarada ayaa timid kadib markii wafdi u horkacayo madaxweyne Xasan Sheekh ay gaareen dalka Hindiya si ay ugaga qeybgalaan shirweyne halkaa ka dhacayay.

Maxkamad ku taal dalka Hindiya ayaa laga dhowrayaa in ay ku dhowaaqdo xukunka dhalinyaradan Soomaalid ah.

Nolosha dhalinyaradan Soomaalida ah ee ku xiran xabsi ku yaal dalka hidniya ayaa laga deyrinayaa iyadoo qaar kamid ah ay qabaan cuduro ayna helin wax daawo ah.

kismaayo24.com

abdi kafi abdi abdulle

Facebook Comments