Arimaha Bulshada Breaking News

Mid Ka Mid Ah Guddigii Uu Magacaabay Madaxweye Ku Xigeenka Puntland Oo Is Casilay

Axmed Aadan Carab oo kamid ah Guddiga Khilaafka Baarlamaanka Puntland ee uu magacaabay Madaxwayne Ku-xigeenka Puntland  Cabdixakiim Xaaji Cumar Camey ayaa ku dhawaaqay in uu xubinimadii uu iska casilay.

Waxa uu sheegay in uu maqlay isaga oo ku sugan Gurigiisa in lagu daray xubnaha guddiga xalinta khilaafaadka Puntland,isla markaana aan wax wadatashi ah lagala yeelan.

Isaga shir Jaraa’id ku qabtay Magalada Garoowe ayuu sheegay in Guddiga ansixinta iyo xalinta khilaafaadka Golaha Wakiilada Puntland uu Magacaabistooda xaq u leeyahay Madaxweynaha Puntland Cabduweli Maxamed Cali Gaas.

Waxa uu sheegay in isagu uusan aqbaleyn wax ka hor-imaanaya Dastuurka Puntland,isla markaana uu ka soo horjeedo in uu ku dhaqaaqo waxyaabo horseedaya khilaafka Madxda Dowlad Goboleedka Puntland.

Related posts

Shaqo joojin lagu sameeyay Maareeyihii Hey’adda Duulista iyo Saadaasha Hawada Somalia

admin

Khudbaddii Madaxweynaha jabuti Gelle oo kicisay Shucuurta Shacabka Somaliyed

admin

DEG DEG: Kulan looga arinsanaayo xaaladda shiikh xasan daahir aweys oo hada ka socda madaxtooyada Villa soomalia kadib markii….

Tifaftiraha K24