Meydadka Dadkii xalay Mareykanka ku xasuuqay deegaan hoostaga bariire oo Muqdisho la keenay

0

Howlgal qorsheysan oo lagu xasuuqay maati aan waxba galabsan ayaa xalay saqdii dhexe ciidamada mareykanka iyo kuwa soomalida ka fuliyeen tuullooyin hoostaga deegaanka bariire ee gobolka shabeellada hoose.

Howlgalka oo ka dhacay tuullada macalinka ee u dhaxeysa afgooye iyo bariire ayaa waxaa lagu beegsaday dad masaakiin ah oo xoogsato ah waxaana la dilay ku dhawaad 5 ruux oo shacab ah.

Dadka la xasuuqay ayaa waxa ay ku sugnaayeen sida la sheegay beer ku taala deegaanka waxaana dadka la laalay ay ahaayeen dadka deegaanka oo aad loo garanaayo.

Beeraleey, xoola dhaqato ayey isugu jireen dadka la dilay.

Ciidamada mareykanka ayaa horay u watay 3 kamid ah dad ku dhaawacmay duqeynta ay diyaaraddaha fuliyeen waxaana hadda cisbitaalka digfeer lagu daweynaya afar ruux oo dhaawac ah.

Meydadka dadka la xasuuqay ayaa la keenay magaallada muqdisho waxaana wasaaradda amniga afhayeen u hadlay uu sheegay in dhamaan dadka howlgalka lagu dilay ay ahaayeen shabaab hubeysan.

Meydadkan oo markii hore la geeyay C.I.D ayaa hadda waxa ay yaallaan Isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho waxaana ehellada dadka la xasuuqay ay sheegeen in meydadka aan la aasi doonin ilaa inta laga cadeeyo sababta loo xasuuqay.