Somali News

Meydadka 39 Qofood oo laga dhex helay Gaari Xamuul ah Dalka Ingiliiska.

Meydadka dad gaaraya 39 qof ayaa laga helay baabuur xamuul ah gudaha magaalada Essex ee bariga dalka Ingiriiska.

Darawalka baabuurka xamuulka oo 25 jir ah ayaa la sheegay inuu kasoo jeedo waqooyiga Ireland, waxaana loo taxaabay xabsiga isla markaasna waxaa looga shakiyay inuu geystay dil.

Booliska waxay sheegeen in baabuurka xamuulka ah uu ka soo dhaqaaqay dalka Bulgaria isla markaasna uu halkaas soo galay Sabtidii.

Booliska ayaa baaraya sidii lagu aqoonsan lahaa meydadka, waxaana la xiray waddada lagu qabtay baabuurka siday meydadka.

Dadkan ayaa loo malaynayaa iney ahaayeen dad muhaajiriin ah oo si qarsoodi ah lagu soo gelinayey dalka Britain, waxaana laga shaki qabaa iney neef qabatimeen gaariga xamuulka ah ee lagu xiray, waxaana weli socda baaritaanka arintan la xiriira.

Related posts

TOP NEWS: Maamulka Soomaliland oo Dil toogasho ku xukuntay 8 kamid ah Maxaabiis lagu eedeeyay in ay…..

Tifaftiraha K24

Ra’iisul Wasaare Khayre “Xukuumadaydu wax Dulqaad ah uma yeelan doonto Musuqmaasuqa”

admin

Daawo: ururka Haweenka Degmada Baledxaawo oo Deeq Gaarsiiyay isbitaalka guud ee Degmadaasi.

admin