Somali News

MD Farmaajo Oo Dib Usoo Celinaya Mid ka mid ah Mas’uuliyiintii Xilka Uu Ka Qaaday Sababtu Maxaytahay..?

Xaaladaha Amni daro ee magaalada Muqdisho oo aad usii xumaaday,saraakiisha qaar oo Eedeyn loo jeediyey iyo Isbadelka Nabad gelyo xumada ayaa ka dhigan in loo baahan yahay dhiig cusub.

Waxa uu sheegay Sargaal hore uga tirsanaa Ciidanka Xoogga Soomaaliyeed Dawladii Maxamed Siyaad Barre ayaa ku dhaleeceeyey Dawlada Soomaaliya inay Istaraatiijiyad Dhinaca Amniga sugitaankiisa ka liidato.

Latalinta dhinaca Amniga Ee Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu dhaliilay in dad badan ay ku fashilmeen waxqabad la’aan taas oo laga cabsi qabo in qudhooda la bedelo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa kulamo gaar gaar ah waday saacadihii lasoo dhaafay si baa la yiri wax qabad dhab ah loo sameeyo dhinaca Amniga.

Waxaa laga yaabaa in lagu soo celiyo Agaasimaha nabad sugida Soomaaliya,Khaliif Axmed Ereg,waloow ninkaan uu ka biyo diidan yahay in la sameeyo fara gelin howshiisa.

Beesha uu kasoo jeedo General Ereg waxay ka fiirsanayaan xilkaan maadaama Beelaha Degga Koonfur Galbeed ay taabsadeen oo muddooyinkii lasoo dhaafay iyagu qabanayeen Xilka Nabad Sugida Qaranka.

Si Amniga loo xaqiijiyo oo wax badan laga badelo isbadel dhab ahna loo gaaro awgeed ayaa General Khaliif Ereg lala rabaa in Xilkaasi dib loogu soo celiyo.

Kuxigeenka Hay’ada Nabad sugida Qaranka Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa lagu dhaliilay inuusan waxba ka qaban amni darada soo korortay oo Villa Soomaaliya meel kudhaw Shabaab ay weerar ka fulinayeen maalmo is xigta.

Related posts

Daawo: Wasiiro ka tirsan xukuumadda kheyre oo maanta kormeer kadis ah ku tagay bangiga dhexe

Tifaftiraha K24

Faahfaahin Dagaal dhexmaray Ciidamada Somaliland iyo Kuwa Puntland.

Ahmed sudani

Xildhibaaan Golaha Deeganka Burco ka tirsan oo xalay gudaha Magaaladasi lagu…………

admin