MD Dani Oo Hadal Cajiib Ka Hor Jeediyey Baarlamaanka Markii Wasiirada Uu Maanta Horgeeyey

0

Madaxweynaha dowladda Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni ayaa horgeeyey Golaha Xukuumadda dowladda Puntland ee cusub Golaha Wakiillada dowladda Puntland oo ku gudajira hawl-maalmeedkooda shaqo ee kal-fadhiga 43-aad fadhigiisa 19-aad.

Fadhiga 19-aad ee lagu ansixinayey Golaha Wasiirada dowladda Puntland ayaa waxaa goobjoog ahaa Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada dowladda Puntland Mudane Cabdixakiin Maxamed Axmed iyo ku-xigeenadiisa, mudanayaasha Golaha Wakiillada dowladda Puntland, Golaha Wasiirada cusub ee Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland iyo masuuliyiin kale.

Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa khudbad muhiima ka horjeediyey Golaha Wakiillada Puntland taasi oo uu kaga hadlayo arrimo ay kamid ahaayeen siyaasadda, amniga, dhaqalaha, arrimaha bulshada, dhaqanka iyo midnimada shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa reer Puntland.

“Mudanayaal iyo murwooyin isbedelkii dhacay Janaayo 08 2019 wuxuu kusoo beegmay xili baahiweyn looqabey tayaynta hay’addaha dowliga ah iyo dardargelinta adeegyada bulshada, dhinacyada siyaasadda, amniga, dhaqalaha, arrimaha bulshada, dhaqanka iyo midnimada. Waxaa sidoo kale la socotaan in culaysyo amni iyo dhaqaale xumo soo jiitamayey mudooyinkii u danbeeyey ay gud ahaan hadheeyeen xasiloonidii iyo kobicii dhaqaalaha ee deegaanada Puntland, waxay keentay in cadawyo badani kusoo dhiiradaan deegaanada Puntland iyagoo beegsanaya nabadgelyada, dhaqaalaha iyo midnimada guud ee dadka reer Puntland, waxaa tusaale inoogu filan duulaanadii is-xigxigey ee Tukaraq, Suuj, Garmaal, Garacad, Qandala, buuraha Calmadaw iyo Calmiskaad.”Ayuu yiri Madaxweynuhu.