Maxkamadda Sare ee Puntland oo Maanta dhageysanaya Dacwad u dhaxeysa Gaas iyo ku xigeenkiisa Eng Cameey

0

Dhageysiga Dacwad u dhaxeysa Hoggaamiyaha Puntland iyo ku xigeenkiisa Cabdi wali Gaas iyo Eng Cameey ayaa Maanta ka Bilaabaneysa Maxkamadda Sare ee Maamulkaas.

Labada Mas’uul Waxa ay maxkamadda usoo dirsan doonaan xubno ka wakiil ah iyo qareenno u dooda, Waana Markii ugu horeysay oo Puntland ay madaxdeeda Maxkamad ku kala baxaan.

Madaxda ayaa isku khilaafay magacaabista guddiga xalinta khilaafaadka Puntland oo Labada dhinacba ay soo kala magacaabeen taasi oo dood weyn iyo khilaaf abuurtay.

Maxkamadda sare ee Puntland ayaa la filaya in ay u kala gar noqdo Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa.