Somali News

Maxkamadda ICJ oo muddo labo bilood dib u dhigtay dhageysiga Kiiska Badda

Maxkamadda Caalamiga ee Cadaaladda Adduunka ICJ ayaa ku dhawaaqday in muddo labo bilood dib loo dhigay dhageysiga dacwadda Badda ee u dhaxeeysa Soomaaliya iyo Kenya.

Go’aanka Maxkamadda ayaa ka dambeeyay, kaddib markii Kenya ay dalbatay in dib loo dhigo dhageysiga dacwada oo loo balansanaa 9-ka bishan oo ku beegan Isniinta soo socota.

Safiirka Soomaaliya u fadhiga Midowga Yurub Cali Saciid Fiqi ayaa sheegay in sida Kenya ay dalbatay oo ahaa in Dacwada dib loo dhigo 12 bilood aysan Makamaddu ku raacin, dhageysiga dacwada dib loo dhigay 2 bilood oo kaliya.

Dhageysiga Kiiska Badda ayaa la qorsheeyay inay dhacdo horaanta bisha November ee sanadkan 2019.

Kenya ayaa maalmihii u dambeeyay waday marmarsiyo ku aadan in kiiska dacwadda Badda dib loogu dhigo, inta ay Qarreeno cusub ka soo magacaabaneyso, kaddib markii ay kala dirtay kuwii hore.

Tallaabadan ayaa lagu tilmaamay mid ay dooneysay inay Kenya ku joojiso fashilka iyo guuldarada ay kala kulmi laheyd dhageysiga dacwada Badda ee qorsheysnaa inuu dhaco 9-13-ka bishan September.

Related posts

TOP NEWS: Dhageyso Xildhibaan Goodax Barre oo Xeerka Madaxweynaha ku tilmaamay Mudo Kororsi Cad oo aan Daah saarnen

Tifaftiraha K24

Daawo: Dadka Kismaayo ku dhaqan maxay ka yiraahdeen heshiiskii Kismaayo??

admin

Dhagayso+Sawiro;- Maxkamadda Ciidamada 5ta gobol ee Puntland oo xukunno ku riday eedeysaneyaal boosaaso

Tifaftiraha K24