Maxkamadda Hargeysa oo 5 sano xabsi ah ku xukuntay Boqor Buur-madoow oo lagu eedeeyay in uu tagay deegaannada Puntland.

0

Maxkamadda Maamulka hargeysa ayaa 5 sano oo xabsi ah ku xukuntay Boqor cismaan Aw maxamuud Buur-madoow oo lagu eedeeyay in uu tagay deegaannada Puntland.

Boqor buur-madoow oo dhawaan dagmada carma ee maamulka puntland uga qeyb galay munaasabad lagu caleemo saaraayay beel-daajaha deegaankaas ayaa waxaa markii uu dib ugu soo laabtay hargeysa gacanta ku dhigay ciidamada booliska maamulka soomaliland.

Maxkamadda xukuntay buur-madoow waxa ay ku eedeeysay in uu jeediyay hadal meel ka dhac ku ah madax banaanida maamulka soomaliland waxaana xusid mudan in xetta qareen u dooda loo diiday boqorka oo la xukumay isagoo aan heysan qareen.

Maamulka soomaliland ee ku fashilmay qadiyadda gooni isu taaga ayaa waxa ay bilaabeen caburinta dadka waxgalka ah ee bulshada ugu fir fircoon si aan shacabka loogu sheegin in aanu jirin wax la dhaho dowlad amaba maamul ka madax banaan soomaaliya inteeda kale taasi ayaana keentay in xabsiyada hargeysa ay ku xiranyihiin salaadiin, abwaanno saxafiyiin iyo dadka kale ee bulshada wax galka u ah.