Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo bilowday dhageysiga Kiiska raggii weeraray Hotel Naasa Hablood-2

0

Maxkamadeynta rag lagu soo eedeeyay in ay ka dambeeyeen weerarkii 28-kii october ee sanadkii hore lagu qaaday hotel Naasahablood2 ayaa waxa ay ka bilaabatay magaallada muqdisho.

Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ayaana qaaday kiiska dacwada ee loo heysto eedeysanaayasha.

Xubnaha u xiran kiiska weerarka naasahablood 2 ayaa waxa ay kala yihiin Farxaan Maxammed Samatar, C/naasir Dhaqane Xasan iyo Abshir Maxa’d Xaaji Buule.

Weerarka oo isugu jiray qaraxyo iyo dagaal toos ah ayaa waxaa ku dhintay ku dhawaad 17 ruux oo ay kamid ahaayeen Taliyihii Booliska Degmada Dayniile, Maxamed Yuusuf Nuur (Fanax), Xildhibaan Maxamuud Colaad Cabdi oo ka tirsanaa Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabelle iyo Ex Xildhibaan C/naasir Gaarane Maxamed, oo isna kamd ahaa Guddiga Taakulaynta ee Ciidamada Qaranka iyo Madoobe Nuunow Maxamed oo ahaa Wasiirkii Arrimaha Gudaha ee Maamulka Koonfur Galbeed, waxaana mas’uuliyadda weerarkaas sheegtay xarakada Al-Shabaab.