MAXAY TAHAY FARIINTA DOWLADDA QADAR SOO GAARSIISAY FARMAAJO KA HOR SHIRKii

0

Warar sugan oo u soo dusay xafiiska warqabadka ee warsidaha Jubbaland24, ayaa sheegaya in shalay oo ahayd maalin Khamiis ah, uu si qarsoodi ah magaalada Muqdisho u yimid diblomaasi ka socda wasaaradda arimaha dibada ee Qadar. Haddaba maxay tahay fariinta uu u siday Farmaajo?

Socdaalka masuulkan sare ee ka socda dowladda Qadar ayaa ku soo aadaya iyadoo berito magaalada Riyadh ee caasimada Sucuudiga uu ka furmi doono shir weyn oo ay ka soo qeyb galayaan dowladaha xubnaha ka ah ururka Jaamacadda Carabta.

Fariinta uu siday diblomaasiga reer Qadar ayaa ahayd in dowladda Soomaaliya aysan marbana ogolaan in la xidho saldhiga ciidan ee Turkiga ku leeyahay Soomaaliya. Sarkaalkan reer Qadar ayaa Farmaajo u sheegay in Sucuudiga, Imaaraadka, Baxrayn iyo Masar ay Farmaajo ka codsan doonaan inuu xidho saldhiga ciidamada Turkiga ku leeyihiin Soomaaliya, taas badalkeedana Soomaaliya laga caawiyo dhinacyo badan. Socdaalka diblomaasiga reer Qadar ayaa lagu macneeyay digniin hor dhac oo dowladda Qadar uga digayso in Soomaaliya aysan ku dhicin dabinka lala maagan yahay iyo dhagarta ay maleegayaan dowladaha kala ah Sucuudiga, Imaaraadka, Baxyar iyo Masar.