Somali News

Maxay ka wada hadleen Sheekh Shaakir iyo Musharax C/raxmaan Odawaa.

Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir iyo Musharax C/raxmaan Odawaa ayaa xalay ku kulmay magaalada Dhuusamareeb, iyagoo ka wada hadlay geeddi socodka dhismaha Maamulka Galmudug.

Kulankan ayaa ahaa mid albaabada u xirnaa, waxaana ay si gaar ah labada dhinac uga hadleen dadaalada socda ee la doonayo in lagu dhiso Maamul loo dhan yahay.

Musharax Odawaa ayaa boggaadiyay juhdigii iyo dadaalkii Ahlusuna gelisay sidii uu u taaba geli lahaa howlaha haatan ka socda Dhuusamareeb oo ay ugu horeyso Shirka Dib u heshiisiinta Galmudug.

Ilo wareedyo ku dhow dhow kulanka ayaa sheegaya inay labada dhinac ka wada hadleen sidii Shirka Dib u heshiisiinta ka socda Dhuusamareeb loogu madax banaaneyn lahaa Odayaasha dhaqanka, si tabashooyinka ay qabaan dhexdooda uga heshiyaan.

Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa ka socda shirweynaha dib u heshiisiinta Beelaha Galmudug, kaasoo la filayo inay ka soo baxdo dhismaha Maamul loo dhan yahay, gaar ahaan soo xulista Xildhibaanada Baarlamaanka.

Related posts

Daawo: Wasiir isloow iyo wafdi uu hogaaminaayo oo jowhar gaaray maxayse tahay ujeedka socdaalkooda?

Tifaftiraha K24

Wariye Si Bareer ah u Aflagaadeynaya Madaxweyne Qaran Caalamka Maba ka jirtee Soomalia Maxaa ku koobay?

admin

Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabbaas oo ku dhawaaqey in Xukuumadda Falastuiin ay is casilayso

admin