Arimaha Bulshada Maqaalo iyo Warar Somali News Top News

Maxay ka wada hadleen Madaxweyne Biixi & danjire Nicholas Haysom? (Daawo Sawirro)

Wakiilka Q/Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya danjire Nicholas Haysom ayaa gaaray magaalada Hargeysa ee maamulka Somaliland.

Mr. Haysom ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, iyagoo ka wada hadlay arrimo ay ka mid yihiin xiriirka ay Somaliland la leedahay Soomaaliya, xoojinta wada shaqeynta Somaliland iyo QM iyo arrimo kale.

Sidoo kale Kulanka labada dhinac dhexmaray ayaa waxa looga hadlay ammaanka iyo horumarka gobolka iyo khilaafka dhawaanahan u dhexeeyay Puntland iyo Somaliland iyo xalinta dagaalka Tukaraq.

Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Nicholas Haysom ayaa horey u booqday Magaalooyinka Kismaayo, Baydhaba, Garoowe iyo qaar kale.

Related posts

WASIIR XUSEEN CABDI BOOS WASIIRKA KHAYRAADKA BIYAHA AYAA LUNSADAY HANTI AY LAHAYD DAWLADU OO LOOGU TALLO GALAY WASARADIISA.

admin

XASAASI: Maxaadan Ogeyn Oo Hadda Ka Soo Kordhey Qarax Shalay Duleedka Kismaayo ka dhacay???

Tifaftiraha K24

Daawo Ciidamada iyo Maamulka Dagmada Baardheere oo si wadajiir ah..

admin