Animation

XOG: Maxamuud Sayid Adan, Madaxweyne-kuxigeenka Jubbaland oo lagu eedeeyay Wax qabad la,aan.

no responses
Saturday July 8, 2017 - 12:33 under Kaydka Wararka Xulka ah by nairobi
mqdefault

Ayadoo maalamahan ay xildhibaanada Fedderalka iyo kuwa Dowlad Gobaleedyada ay kasoo laabteen fasax ay ku jireen ayaa waxaa bilowday kala fadhiyadii caadi ahaa.

Wararka ka imaanaaya Dowlad Gobaleedka Jubbaland ayaa tibaaxaayo in xildhibaanada iyo Maamulka ay wadaan mooshin ka dhan ah Madaxweyne-kuxigeenka Jubbaland Maxamuud sayid Adan.

Xildhibaanada iyo Masuuliyiinta Maamulka Jubbland ayaa ku eedeeyay Madaxweyne-kuxigeenka wax qabad la,aan iyo mususqmaausq baahsan ayadoo lasheegaayo in tan iyo markii lamagacaabay uu iska fadhiistay kismaayo asagoo ku yimid dib uheshiin iyo awood qaybsi.

Mudane katirsan Xildhibaanda Jubbaland oo magiciisa qariyay ayaa sheegay in Maxamuud sayid adan uu ku fashilmay shaqadii loo idmaday asagoo had iyo jeer u fadhiya qayilaad iyo hurdo waa siduu hadal u dhigaye.

Sidookale Maxamuud Sayid Adan ayaa bilihii lasoo dhaafay eedaymo kulul uga imaanayeen gobalka Gedo asagoo wax xiriir ah ama ka warqab ah layeelan maamulka iyo bulshada gobalka ku dhaqan kuwaas oo abaaro iyo colaado la ildaran.

Usbicii lasoo dhaafay ayay aheed markii ay cidamada Gobalka gedo kusugan ay cabasho soo gudbiyeen ayaga codsaday in lalasoo gaaro taageero military.

Sikastay ahaabtaba Waa markii ugu horaysay ay xildhibaanada iyo maamulka jubbaland ay eedeeyaan Maxamuud Sayid Adan tan oo sababi karta in meesha lagasaaro.