Maxaan ka baran karnaaTaariikhda ay Soomareen Reer Singapore Mase nahay Dad waxkabarta Nolosha? by Deeq Ali Hayaan.

0
Ra,iisal wasaarihii ugu Horeeyey Dalka singapre Lee Kuan Yew Taariikhda 3 June 1959 Markii Dalkiisa yar uu xornimada ka qaatey Maleysia isagana Xukunka loo dhiibay Waa ooyey,Waxaa la waydiiyey waxa ka oohiyey,Waxuu yiri Waxaan la ooyey dalkayga dagaalka sida u saameeyey iyo Xukunka aan qabtey oo aan ka bilaabayo Meel zero ah,Dad Dowladnimo u bisleen iyo Hoosha culus ee Dusha la iga saarey .
Waxuu Hirgaliyey Nidaam Dowlad oo fadhiya,Waxuu u jeexay Qorshe Dalkiisa uu ku hormarayo,Waxuuna Gaarsiiyey Horumar, 16 September 1963 Markii uu ka Tagey xilka oo uu 4 sano soo hogaaminayey,Waxaa badaley Ra,iisal wasaare cusub oo la oran jirey Toh Chin Chye.
Toh Chin Chye isagana markii uu xilka qabtey wuxuu ooyey oohin farxad ay ka keentay iyo in Nidaam laga soo shaqeeyey uu maanta la wareegayo isagana waxuu dalka singapore gaarsiiyey Horumar,Waana mida 10 sano oo isku xigta Singapore ay u noqotey wadanka laga waayey ugu yaraan wax corruption ah,Waa wadanka koowaad ee ugu dhaqaalaha badan Dunida,Waxeyna Hogaamisa oo Number one u tahey Dalalka caalamka,Hadee ogow ma lahan Khayraad Wadankaas,Xataa Biyaheeda waxaa looga qaada Malaysia.
Ujeedkayga;Dalkeena Somalia waxaa ku jira Khayraad fara badan Dhul iyo Badba leh,Hadii shaqsiga Markaas jooga aan Garab Qabano oo aan la shaqeyno,waxaa Gaareynaa Horumar,Siyaasiyiinta ka danbaysana waxey xukunka la wareegayaan Nidaam dowli ah oo buuxa,Laakiin Hadii aan Burburino oo 4sano nooga Dhamaato qabyaalad,Musuqmaasuq,aniga isla raba iyo reerkayga Halkaas uma qalmo iyo 4.5 iwm, 4Sano markii ay dhamaato kan ka danbeeya waxuu wax ka bilaabaya meel zero ah ilaa qiyaamahana waxaan ku jireyna is jiid jiid iyo in aan asaageen gaari wayno.
Hadaba Dowlada waa in ay Plan dowladnimo sameysaa,Wadankana ay u jeexdaa waxii beritoole laga dhaxli lahaa. Siyaasiyiinta Hada joogtana waa in Dowlada waxii qaldan oo saxid u baahana ay saxaan iyagoo Dhib horseedin si ay beritoole Fursad u Helaan in ay la wareegaan dal u dhamaystiran systemkiisa. Waan Barwaaqoobeynaa Mucaarad iyo Muxaafidba ee Bal aan isku Tanaasulno,Waxii qaldamana aan saxno ,Anagoo Dhaliisha sheegayna,Qasabna maaha in Guulwade noqotid ee waxaa kugu qasab ah in aad dalkaaga han waliba oo kugu jira aad u hiilisid. Waa Mahadsantihiin By:Deeq ali hayaan