Somali News Top News

Maxaadan Ogeyn oo Xaaf uu ka yiray Xil ka qaadistii lagu sameeyay?

Xildhibaano ka tirsan Baarlamanka Galmudug oo ku shiray magaalada Cadaado ayaa sheegay inay galabta xilkii ka qaadeen Madaxweynaha Galmugug Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

Shirka waxa gudoominayay Cali Gacal Casir oo daraad koox kale oo Xildhibaano ah oo ku shiray Dhusamareeb ay sheegeen inay xilka ka qaadeen.

Hasa yeeshee madaxwayne Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo BBC la hadlay ayaa beeniyay in xilka laga qaaday.

Waxa uu sheegay Mr Xaaf in xildhibaano aysan joogin Cadaado islamarkana Mr Cali Gacal Casir uusan ahayn gudoomiyaha baarlamaanka Galmudug oo maalmo ka hor xilka laga qaaday.

“Xildhibaano meesha ma joogaan waa 9 xildhibaan iyo mid uu isagu yiri nin tagay buu badalayaa oo uu maanta dhaariyay marka waxaasi waa wax iska fowda ah,” ayuu yiri Mr Xaaf.

Maalmo ka hor ayay ahayd markii xildhibaano ku shiray magaalada Dhuusamareeb ay sheegeen in ay xilka ka qaadeen gudoomiyihii baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir.

Related posts

TOP NEWS: Maxaad kala Socotaa Xildhibaan Xalay lagu weeraray Dagmada Balad Xaawo iyo Siyaasiyiin Caan ah oo lagu eedeyay in ay ka…

admin

Daawo: Madaxweyne Gaas oo Shacabka Puntland Runta u Shegay ” Puntland Wey ku qasbaneyd in ay aqbasho Nidaamka 4.5 Khudbad Xasaasi ah ayuu jeediyay Gaas

admin

Ciidamo soogaaray Magaalada Muqdisho oo loogu tala galay ilaalinta.

admin