Maxaadan Ogeyn oo Saakay ka Cusub Mooshinkii Madaxweynaha Laga keenay?

0

Tan iyo xalay waxaa socday kulamo iyo dhaq dhaqaaqyo siyaasadeeed oo iska soo horjeeda kuwaasi looga arinsanaayay xaaladda Mooshinka 24ka saac ka yaala Madaxweyne Farmaajo.

Warbaahinta ayaa Goordhaw looga yeeray Hooyga Guddoomiyaha Baarlamaanka uu ka daganyahay Villa Somalia, Waxaana Lagu wadaa in uu ka Hadlo Arrimo ku saabsan Mooshinka Madaxweynaha ka yaala iyo Wararka sheegaya in Isaga uu Xabsi guri ku yahay hooygiisa.

Sidoo kale guddoomiyaha ayaa ka hadli doona waqtiga uu furmi doono kalfadhigga baarlamaanka oo wixii ka dambeeyay Xasaradda siyaasaddeed uu dib u dhac ku imaanaayay.

Waxaa soo ifbaxaya tan iyo wixii ka dambeeyay mooshinka Madaxweynaha Xildhibaano badan oo ka cabanaya in looga been abuurtay Mooshinkaan madaxweynaha laga keenay iyadoo si qaldan Magacyadooda loogu saxiixay Mooshinka si tiro ahaan loogu badsaso maadama uu dastuurku qabo in madaxweynaha ay mooshin ka keeni karaa kaliya 92 xildhibaan oo baarlamaanka ah.

Inkastoo aysan weli si Rasmi ah madaxtooyada uga hadlin Mooshinka iyo khilaafka harreeyay hey’addaha Dowladda hadana madaxtooyada waxa ay wadaa kulamo siyaasaddeed iyo is xulufeysan ku aadan sidoo looga taqalusi lahaa mooshinkaan Madaxweynaha laga keenay.