Animation

Maxaadan Ogeyn oo Magaalada Guriceel kajira

no responses
Sunday September 11, 2016 - 6:14 under Breaking News by admin
mqdefault

Magaalada Guriceel ayaa ah magaalo ay ku noolyihiin shacab farabadan waxaayna  kamid ah magaalooyinka ay ku noolyihiin dadka ugu badan waxa ay caan ku tahay Ganacsiga nuucyadiisa kala duwan sida suuqyada xoolaha , caanaha ,Ganacsiga kala duwan, waxa ay xariir ganacsi oo balaaran laleedahay  boosaaso iyo ismaamulka somaliada itoobiya taas oo ay is dhaafsadaan ganacsiga kala duwan .

Waa magaalo ay soo maamulay maamulo kala duwan waxaana intii ugu badneed soo maamulay maamulka ahlusuna , oo dagaal adag kulagalay Alshabaab dhiig faradana ku daatay waxaan maamulkaas ahaa maamul ay shacabku hiil iy hoo lagartaagnaa .

maamulkaas ayaa ahaay kii ugu facaweynaa oo halkaas kataliya mudo farbadan kadib waxaa hogaamiyashii Ahlusuno garwaaqsadeen in loobahanyahay in amaankaan kajira deeganada ay Ahlusuna maamuleysay lagaarsiiyo deeganada kale sida maamulkii Ximin iyo xeed oo cadaado katalinayay iyo Galmudug oo gaalkacyo joogtay markaas,  waxaa lago’ aansaday in hal maamul lawadayeesho si loogaro hormar iyo wanaag, waxaa markiiba kabiyadiiday rag katirsan maamulkii Ahlusuna oo hada maamula dhuusamareeb iyo guriceel ayadoona Ahlusu xoogeedi ay wax ka dhisteen Dowlada Galmudug.

Xaladaha  nololeed iyo duruufaha ka dhashay kala qoqobnaanta deeganadaas ayaa waxaa uu saameyn xoogan ku yeeshay bulshadii halkaasi ku nooleed

hadaba si aan wax uga ogaano  ayaa kismaayo24 waxa uu u kuurgalay xaladaha dhabta ah ee katagan deeganadaas waxaana dadka deegaanka noo sheegeen in ay jirto  xalad nolol xumo waayo waxaa gabi ahaan istagay gargarkii tagi jiray deeganadaas.

Aamino Cali Maarshe oo kamid ah bulshada ku nool guriceel ayaa sheegatay in ay hada xaalad bani aadamnimo katagantahay deeganada dhuusamareeb iyo Guriceel mana jiraan wax hay’ad ah oo keenta gargaarka bani-aadmnimo  oo horay u soogari jiray deeganadaan , shaqo la’aan baahsan ayaa jirta waayo wax dhaqdhaqaaq ganacsi ah maba kajiro hatan deeganadaan, shacabkan waxa uu ku noolyahay xabsi kor kafuran sidaa darteed waxan ka codsaneynaa dowlada somalia iyo beesha caalamka in ay xageena soo eegaan .

waxaan kaloon ogaanay in ay jah wareer siyaasadeed uu kataganyahay guriceel iyo dhuusamareeb la xariirta arimaha doorshooyinka somaliya  ahlusunada maamusha guriceel ayaa aaminsan in baarlamaanka lagu soodoorto Guriceel halka Galmudugna qabto in cadaado lagu sooxulayo baarlamaanka deeganadaas dowlada dhexe kumatali doona .

wararka ayaa sheegay in odayshi dhaqanka deeganadaas iyo ergooyinkiiba ay gaareen cadaado  ayadoona dhawaan ahlusuna arintaas sheegtay in aan cadaado latagikarin cidii tgatana aysan dib ugu soolabankarin deeganadii ay katageen.