Maxaadan Ogeyn oo dhexmaray Axmad Madoobe iyo Ra’isul wasaaraha Cusub ee Itoobiya oo Addis Ababa ku kulmay?

0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Magaalada Addis Ababa ee wadanka Itoobiya oo maalmahan uu howlo shaqo ku joogay kula kulmay Ra”iisul Wasaaraha Dowlada Itoobiya Mudane Abiyi Axmed.

Kulankan Waxaa Madaxweynaha ku wehelinayay Wasiirka Arimaha gudaha iyo Dowladaha Hoose Maxamed Warsame Darwiish iyo Wasiirka Cadaalada Dastuurka iyo Arimaha diinta Aadan Aw xirsi.

Barta Facebook ee Madaxweynaha Jubbaland ayaa la soo dhigay sawirka kulanka iyo qoraal kooban oo aan lagu faah faahin waxyaabihii looga hadlay.

Axmed Madoobe ayaa noqonaya Mas’uulkii u horeeyay oo ka socda maamul goboleedyada Soomaaliya oo la kulma Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Itoobiya.