Animation

Maxaad ka taqaan 20-ka Jaamacadood ee Dunida ugu horeeya ?

no responses
Friday September 23, 2016 - 11:48 under Somali News by Tifaftiraha K24

Qiimeyn ay sameesay Times Higher Education ayaa lagu soo bandhigay liiska 20-ka jaamacadood ee xiligan ugu sareeya dhinaca waxbarashada caalamka, waxaana 19- kamid ah jaamacadahaasi ay kuyaalaan dalalka Mareykanka iyo Britain.

Jaamacada Oxford ee kutaala dalka Britain ayaa markii ugu horreysay gashay kaalinta ugu horreysa ee jaamacadaha adduunka, waxa ayna jaamacadan kaalinta koowaad kala baxday California Institute of Technology oo shantii sano ee lasoo dhaafay hogaanka heysay.

Qiimeyntan la sameeyay ayaa lagu ogaaday in Jaamacadaha ugu tayada sareeya caalamka ee kuyaalaan dalka Mareykanka, waxaana liiskan 20-ka Jaamacadood Mareykanka ku leeyahay 15-Jaamacadood halka dalka Britain uu isna ku leeyahay kaliya 4-Jaamacadood.

Times Higher Education, oo qiimeyntan sameeysay ayaa sheegtay kaliya in ay ku qiimeyaan jaamacadaha daraasaadka ay sameeyaan, sida ay wax u dhigaan iyo sida ay u soo jiitaan ardayda iyo shaqaalaha kale ee ajnabiga ah.

Halkan ka Aqriso Liiska 20-ka Jaamacadood ee Dunida ugu sareeya