Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/8/7/9/kismaayo24.com/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 284 Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/8/7/9/kismaayo24.com/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 284 Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/8/7/9/kismaayo24.com/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 284 Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/8/7/9/kismaayo24.com/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 284
Arimaha Bulshada Breaking News Maqaalo iyo Warar Somali News Top News

Maxaad ka Ogtahay Sababta Ciidanka Alfa Group Qof shacab ah ugu toogteen Muqdisho & Tuhunka galay?

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir gaar ahaan Waaxda Wajeer, Ciidanka loo yaqaano Alpha Group ayaa duhurnimadii maanta waxa ay halkaasi ku dileen qof shacab ahaa.

Goobjoogayaal ayaa Warbaahinta u sheegay toogashadan inay ka dambeysay kadib markii gaari iska roge ahaa uu dhexda u galay kolonyo ciidankan Alpha Group ah, intaasi kadib ciidanka ayaa shakiyay, waxayna rasaas ku fureen gaariga, halkaasi waxaa ku geeriyooday qof shacab ahaa, halka mid kalena uu ku dhaawacmay.

Ciidanka Alpha Group ee qeybta ka ah NISA ayaa intaasi kadib hakiyay socodkoodii, waxayna halkaasi ka qaadeen qofkii dhaawaca ahaa, iyaga oo geeyay mid ka mid ah isbitaalada Muqdisho.

“Walaal falkan wuxuu ka dhacay Wajeer oo ka tirsan degmada Kaaraan, ciidamada Alpha Group ayaa rasaas ku furay gaari Caragediye ah oo wadada marayay, waxay dileen Hal qof, mid kalena way dhaawaceen, goobta ciidamo ayaa yimid.” Ayuu yiri qof ka mid ah dadka degaanka.

Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa marar badan sidan oo kale waxay dilal u geysteen dad shacab ah oo aan waxba galabsan, inta badan ma dhacdo in gacanta lagu soo dhigo ciidanka tacadiyada geysta.

Related posts

War Cusub: Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo ka tacsiyeeyay geeridii General….

Tifaftiraha K24

Sanbalooshe oo Meel aan laga fileyn ka soo Muuqday ka dib Kiiskii Qalbi dhagax

admin

Dhagayso:- Xasan Sheekh oo ka Baqday Dhuusomareeb iyo Banaanbax Maanta Ruxay magaladaas

admin