Animation

Maxaa kala haysta Shirka IGAD iyo Shacabka Muqdisho

no responses
Sunday September 11, 2016 - 5:52 under Breaking News by admin
mqdefault

Shacabka magaalada Muqdisho ayaa walaac badan ka muujinaya saameynta aan wanaagsaneyn ee ka dhalatay xiritaanka wadooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho, xili ay soo dhowdahay maalinta Ciidul Adxaa.

Dowlada Somalia ayaa ku andacootay in wadooyinka loo xiray arimo dhinaca amaanka ah oo la xiriira shir madaxeedka dalalka ku bahoobay urur goboleedkaa IGAD oo Talaadada soo socota ka furmaya Muqdisho.

Waxaa arintan ay ku soo beegantay iyadoo maalinta Isniinta ah ee Talaadada ka horeysa ay ku beegan tahay maalinta 1aad ee Ciidul adxaa, waxaana dowladu ay sheegtay in Talaado ka soke aan wadooyinka loo furi doonin gaadiidka dadweynaha taasoo la macno ah in maalinta Ciida ah xitaa xaaladu sidan u sii cakirnaan doonto.

Culumaa’udiin iyo dad kaloo badan ayaa ku dhalilay dowladu iney ka taxadari weysay iney kala fogeyso shirka IGAD iyo munaasabada Ciida, si aysan saameyn isugu yeelan, maadaama iyada marti loo yahay, waxayna ku eedeeyeen iney muhimad badan siisay Shirka IGAD, iyadoo iska indha tirtay Munaasabada ciidul Adxaa oo ka mid ah labada ciidood ee Islaamka ugu waaweyn.

Inta badan qeybaha kala duwan ee bulshada oo xayiraadan ay saameyn ku yeelatay ayaa si weyn uga niyad jabsan dabaaldega maalmaha Ciida maadaama uusan jirin wax gaadiid ah oo socon kara, ayna ku adag tahay iney farxada Ciida la qeybsadaan eheladooda oo kala degan xaafado aad u kala fog oo aysan suuragal aheyn in socod lagu tago.

Dadka intiisa badan oo arintan ay welwel xoogan ay ku heyso ayaa ku duceysanaya inuu mar kale baaqdo shirka IGAD iyagoo rajo ka qaba in maalmaha ciida la qafiifiyo xirnaanshaha jidadka.

“Looma adkeysan karo in wadooyinka ay xirnaadaan maalinta Ciida ah, waa Yowmul farax ummadda dhan waa is booqaneysaa, haddii xaaladu sidan sii ahaato qof walba xaafadiisa ayuu iska joogayaa jawi farxadeed oo lagu ciidana ma jiri karo” ayuu yiri Mukhtaar Cali oo ka mid ah dhalinyarada ku nool Muqdisho.

Dadweynaha ayaa ka codsanaya madaxda sare ee dowlada iyo laamaha amaanka iney arintan dib u eegaan, maalinta Isniinta ahna xanibaada ka qaadaan wadooyinka xiran si farxada ciida ay ula qeybsadaan shacabka Soomaaliyeed intiisa kale iyo ummaddaha Islaamka.