Somali News

Maxaa ka jira inay beelaha HAWIYE abaabulayaan shir ka dhan ah Farmaajo?

Gudoomiyaha Golaha dhaqanka iyo midnimada Beelaha Hawiye, Maxamed Xasan Xaad ayaa beeniyey warar dhowaanahan aad looga hadal hayey magaalada Muqdisho, oo ku saabsanaa inuu ka hor-yimid dowladda.

Wararkan ayaa waxa ay sheegayeen in Xaad uu diyaarinayey kulan weyn oo ay isugu yimaadeen beelaha Hawiye, loogana soo horjeedo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Wararkaas ayaa sii xoogeystay intii uu ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ku maqnaa magaalada Kismaayo, ayna jireen warar sheegaya khilaaf madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha u dhaxeeya. Xaad ayaa waxa ay isku beel yihiin ra’iisul wasaaraha.

Si kastaba, Gudoomiyaha Gollaha dhaqanka iyo midnimada Beelaha Hawiye, Maxamed Xasan Xaad, ayaa sheegay inaysan waxba ka jirin inuu ka hor-yimid dowladda, kana hor-iman doonin.

Nabadoonka ayaa sheegay in wararkaasi ay baahiyeen dad dano gaar ah leh, kuwaasi oo uu ku tartarsiiyay in ay ka waan-toobaan, isla markaana ay ka qayb-qaataan dib u dhiska wadanka.

Halkaan hoose ka dhageyso wareysi uu siiyay Nabadoon Xaad siiyey Idaacadda Shabelle oo uu kaga hadlayo arrintaan.

Related posts

TOPNEWS: Shir muhiim u ah Shacabka Gedo oo manta ka dhacaya Magaalada Doolow

admin

Akhriso:Dowlada Federaalka Soomaaliya oo goordhaw soo saartay Digniin cusub.

admin

TOP NEWS: Roobab lagu diirsaday oo laga soo sheegaayo in ay si wanaagsan uga da’een gobolada …..

Tifaftiraha K24