Animation

Maxaa ka jira In Alshabaab ay Dib ula wareegtay Dagmada Badhaadhe Xageese ku dambeeyaan Ciidamii Huwanta ee Magaalada Xalay la Wareegay???

no responses
Tuesday January 24, 2017 - 8:40 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault
Spread the love

Xoogaga Alshabaab ayaa Dib ula Wareegay Dagmada Badhaadhe oo Saakay ay La Wareegeen Ciidamo Is baheysanaya oo Isugu jira Ciidanka Jubbaland kuwa AMISOM iyo Ciidamo Cadaan ah.

Ciidamadii Huwanta ahaa ee Saakay Magaalada la wareegay ayaa la sheegay in Magaalada ay Isaga baxeen Iyadoo wax dagaal ah uusan dhicin.

Alshabaab oo ku sugneyd Duleedka Magaalada Badhaadhe ayaana Gudaha usoo galay Dagmada Iyagoona dib ula wareegay Goobihii ay Xalay ka baxeen.

Warar Madax banaan oo la helaayo ayaa waxa ay sheegayan in Maleeshiyo Alshabaab ka tirsan ay Wadada u galeen Kolonyadii ka Ruqaansatay Dagmada Badhaadhe waxaana la sheegay in uu dhacay Dagaal kooban oo dhexmaray Shabaabka iyo Kolonyada Isugu jirta Soomali iyo Cadaanka.

Xaaladda Dagmada Badhaadhe ayaa Cawada dagan waxaana laga cabsi qabaa in Markale ay soo Rogaal celiyaan Ciidamada Huwanta ee aan la ogeyn Sababta keentay in ay dib uga baxaan Magaalo ay xalay la wareegeen.

Facebook Comments