Animation

Maxaa ka cusub oo kusoo kordhay maxaabiista soomaaliyeed ee ku xiran dalka hindiya?

no responses
Wednesday August 2, 2017 - 9:10 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane  Yusuf Garaad Cumar ayaa sheegay in 15 Maxaabiis oo ka mid ah 118  qof oo muwaadiniin Soomaaliyeed ee ku xiran magaalada Mumbai ee dalka India la soo taagay maxakamad.

Maxaabiistani oo gaaraya ilaa 15 oo Maxkamadda la soo taagay waxaa lagu xukumay min 7 sano oo xarig ah, kuwaasi oo horey ugu loogu xukumay min 6 sano iyo bar oo xarig ah.

“xukunka maanta macnihiisu wuxuu yahay in ay xabsigooda ay ka hartay 6 bilood oo keliya, Waxaa kale oo lagu xukumay ganaax aan badneyn”, Ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda Dowladda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar oo ku sugan dalkaasi India.

Maalintii shalay ayaa waxaa heshiis kala saxiixday Dowladaha Soomaaliya iyo India heshiiskaasi oo ku saabsanaa in inta ka dhiman xukunkooda ay ku dhameystaan dalkooda Hooyo.

Dowladda Soomaaliya ayaa horey ugu guuleysaty in xabsiyada dalka Itoobiya ay ka sii dayso in kabadan 100 maxaabiis ah kadib markii heshiis arrintaasi ku saabsan uu dhexmaray Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya.