Maxaa ka cusub Magaalooyinka ugu waaweyn dowlad deegaanka Somalida?

0

Magaalooyinka dowladd deegaanka qaar kamid ah gaar ahaan magaalada JigJiga ayaa la filayaa in ay maanta ka dhacaan dibad baxyo xoogan, kuwaas lagu dalbanaya Khadar Jigre iyo Axmed Nuur Saahid oo maamulka madaxweyne Cagjar u xiran.

Waxaa haatan magaalada JigJiga iyo deegaanada kale laga dareemayaa qaban qaabada dibad baxa oo ay ka qayb gali doona rag iyo dumar intaba.

Qaban qaabiyayaasha banaan baxan ayaa waxaa warqad codsi ah ay u qoreen hay’adaha amaanka dowladd deegaanka Soomaalida Itoobiya.