Maxaa baajiyey kulankii Baarlamaanka maanta ee Jawaari khudbadda is-casilaada u jeedin lahaa

0

 

Kulankii maanta oo Arbaco ah ee loo balansanaa in ay isugu yimaadaan xildhibaanada golaha shacabka Soomaaliya, isla markaana khudbad uu ka jeedin lahaa Jawaari ayaa la sheegay in uu baaqday.

Wararka waxa ay sheeegayaan in muran iyo is qab-qabsi uu ka dhashay habka kulankaasi loo qabanayo, iyadoo fariimo iska soo horjeeda  loo kala diray xildhibaanada, howl wadeenadii horay ee gudoomiye Jawaari ayaa fariin u diray  Baarlamaanka, isla markaana  ku wargeliyey xildhibaanada in kulanka uu dhacayo, iyadoo uu  hadal ka jeedin doono Gudoomiyihii hore. Sidoo kale waxaa farriin kale markii dambe diray sii hayaha Gudoomiyaha Baarlamaanka ahna Guddoomiye kuxigeenka koowaad Cabdiwali Ibraahim Muudey oo sheegay in aanu jirin kulan ilaa amar dambe.

Qaar kamid ah Xildhibaanada ayaa sheegaya in Cabdiweli Ibraahim Muudey uu qoonsadey khudbadda uu dalbadey Jawaari oo aanu dooneyn in uu khudbad ka horjeediyo Xildhibaanada. Ma cadda waxa khudbadda Jawaari shalay sheegay isaga oo uu dhinac taagan yahay madaxweynuhu waxa uu uga hadlaayo.

Raysalwasaarihii hore ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon ayaa sidaan oo kale Jawaari ku eedeeyey in uu ka hor istaagey in uu Xildhibaanada khudbad u jeediyo uu isku difaacayo sanadkii 2013, markaas oo kalsoonida lagala noqday