Maxa manta ka cusub Dagmada Baydhabo

0

Doorashada Xubnaha Aqalka sare u matalaya Koonfurgalbeed ayaa maanta ka bilaabaneysa magaalada baydhabo ee xarunta KMG u ah dowlad goboleedka Koonfurgalbeed ee Soomaaliya.

Dhageysiga khudbadaha musharixiinta aqalka sare oo shalay lagu soo gabo gabeeyay magaalada Baydhabo, ayaa waxaa ku tartamaya 18 musharax, kuwaasi oo u taagan qabashada xilka baarlamaanka Aqalka sare ee dalka.

Ilaa iyo sideed mudane ayaa looga baahanyahay inay ku soo baxaan kuraasta baarlamaanka aqalka sare ee dalka.