Somali News Top News

Masuuliyiinta ugu sarreysa garsoorka Soomaaliya oo taageeray Go’aankii Madaxweynaha uu Xilka uga qaaday Caydiid Ilka Xanaf+Sawiro

Masuuliyiinta ugu sarreysa garsoorka Soomaaliya oo maanta kulan isugu yimid magaalada Muqdisho ayaa Ayiday Go’aanka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sh Maxamuud uu xilka kaga qaaday Guddoomiyihii Maxkamadda Sare ee Dalka Abuukaate Ceydiid C.laahi Ilka Xanaf iyo Guddoomiyihii Maxkamadda Racfaanka Gobalka Banaadir.

Garsooreyaasha maanta kulanka isugu yimid waxaa kamid ahaa Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir, Guddoomiye Ku Xigeenka Maxkamadda Sare Ee Dalka, Guddoomiyaha Maxkamadda Gobalka Banaadir Xaashi Cilmi Nuur, ku xigeenno iyo xubno katirsan Gorsoorka dalka.

Xeer ilaaliyaha Guud Ee Qaranka Mudane Axmed Cali Daahir ayaa sheegay in u jeedka kulankan uu ahaa mid ay ku ayidayaan Go’aanka madaxeynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sh Maxamuud shalay xilka kaga qaaday guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka iyagoo sheegay in tallaabadaasi ay tahay sharci M.weynaha awood u siineysa in uu xilka ka qaadi karo guddoomiyah Maxkamadda Sare.

Xasan Maxamed Cali Wariiri oo ahaa Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka ayaa Sheegay in horraanta todobaadka soo socda uu wareejinayo xilka soona dhaweeynayo Xil ka qaadista lagu sammeeyay.

13152885_895230387255822_533472902_n

13153342_895230347255826_984483573_n 13153369_895230217255839_1608796049_n 13162378_895230343922493_1908723240_n 13187607_895230757255785_608351906_n 13187784_895232380588956_775685028_n-1 13187791_895230270589167_1006223214_n

Related posts

Daawo:- Top News:- Ex Wasiir Fowsiyo Waa Macquul in Somaliland iyo Somalia Heshiyaan

Tifaftiraha K24

Daawo: Xasan Shiikh oo ka qeyb galay Janaazada Askartii Madaxtooyada uga Dhimatay Qaraxii SYL Hotel

Tifaftiraha K24

War Cusub: Shaybaar lagu hubinaayo Tayada Qalabka Dhismaha oo Mudo 25 Sano kadib laga hirgaliyay …..

Tifaftiraha K24

1 comment

Comments are closed.