Animation

Masuuliyiinta Garsoorka oo labadaalaayo iyo Xubno Urur diimeedka ictisaam oo lagu wareejinaayo dhaaman garsoorka iyo cadaalada dalka.

no responses
Sunday July 9, 2017 - 2:45 under Somali News by nairobi
mqdefault

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa seeftiisa gasha kala baxay, waxaana hadda uu wadaa qorshe uu xilka kaga qaadayo mas’uuliyiin dhowr ah.

Madaxweynaha ayaa hadda xilka ka qaadi doono dhammaan mas’uuliyiinta maxkamada dalka, sare illaa darajada Koowaad, rayid iyo mid ciidan intaba.

Magaalada Muqdisho waxaa ku sugan inta badan shaqsiyaadka xilalkaan loo magacaabo lahaa, qaarkoodna dibadda ayaa laga keenay oo sharci yaqaanno.

waraka ayaa sheegaayo in lagu badali doona Masuuliyiin iyo xubno katirsan ururka ictisaam oo ah urur diimeed siyaasada soomaaliya lug wayn kuleh.

Waxaa dhammaad maraya mudadii Madaxweyne Farmaaajo u qabsaday in isbedal buuxda ku keeni doono garsoorka dalka, shacabkana ay heli doonaan cadaalad buuxda.

Hadaba waxa la sugaa waa wareegtada madaxweyne Farmaajo iyo xil ka qaadista shaqsiyaadka hadda shaqeeya iyo shaqsiyaadka uu ku badali doona iyo waxa ay la imaan doonaan.