Animation

Mas’uuliyiin ka kala socotay Maamulada dalka oo lagu soo dhaweeyay Holland (SAWIRRO)

no responses
Wednesday October 7, 2015 - 9:41 under Breaking News by admin
mqdefault

Casho sharaf ay soo qaban qaabisay hey’adda HIRDA, oo lagu soo dhaweenayay Mas’uuliyiin ka kala socda Maamulada kala gedisan ee dalka Soomaaliya iyo Ganacsato iyagu socdaal ku saabsan maalgeshiga dalka Soomaaliya ku maraya qeybo ka mid ah wadamada qaarada yurub, ayaa lagu qabtay Magaalada The Huge ee wadanka Netherlands.

Madaxda sare ee hey’adda HIRDA iyo xubno ka tirsan hor-muudka Soomaalida dalka Netherlands, ayaa kasoo qeyb galay casho sharaftaan, waxaana xubnihii lagu soo dhaweenayay ka mid ahaa;  Wasiiru Dowlada Wasaarada Ganacsiga iyo warshada Dowlada federalka Soomaaliya, Maxamed Xasan Aadan,  Wasiirka Ganacsiga Maamulka Puntland, Cabdiweli Xirsi Cabdulle (Indha-guran), Wasiirka Ganacsiga iyo Maalgeshiga Somaliland, Shuceyb Maxamed Muuse, la taliyaha wasaarada ganacsiga Somaliland, Maxamuud Jaamac Kheyre, Agaasimaha Rugta ganacsiga, Mudane Cabdi Abshir dhoore, Wakiilka hey’adda SPARK u fadhiya Soomaaliya Khaalid Xasan, Ijaabo Xasan oo ka mid ah ganacsatada Puntland iyo Madaxa Shirkada Ceymiska ee TAKAAFUL Maxamed Cabdi Maxamed.
 
Ugu horeyn waxaa kulanka ka hadlay Wakiilka hey’adda SPARK u fadhiya Soomaaliya Khaalid Xasan,  oo horey u ahaa xildhibaan laga soo doorta Magaalada Delft ee dalka Netherlands, isla markaana door weyn ku leh socdaalka mas’uuliyiinta maamulada kala gedisan ee dalka Soomaaliya ay ku marayaan wadamo ka tirsan qaarada yurub, waxa uuna amaan iyo mahadcelin ujeediyay hey’adda HIRDA ee soo qaban qaabisay casho sharafta soo dhaweynta mas’uuliyiinta maamulada dalka Soomaaliya.
 
“Waxaan aad ugu mahadcelinayaa Hey’adda HIRDA ee cashadaan nagu casuuntay, waa mid aan ku aqaan in HIRDA gaar ahaan Agaasimaha Drs. Faadumo Faarax, ay ku dhiirato, isla markaana ay isugu soo dhaweyso cid waliba oo wax gal ah, iyo bulshada ku dhaqan dalka Netherlands, waa qof weligey aan ku dayan jiray illaa iyo hadana aan ku deydo, mana lasoo koobi karo wax-qabadkeeda, balse waxaan leeyahay aad ayaa u mahadsantahay” Ayuu yiri xildhibaan hore ugu tirsanaa dalka Holland isla markaana xilligaan ah Wakiilka hey’adda SPARK u fadhiya Soomaaliya Khaalid.
 
Agaasimaha guud ee rugta ganacsiga soomaaliya, Cabdi Abshir dhoore, Madaxa Shirkada Ceymiska ee TAKAAFUL, Maxamed Cabdi Maxamed, Wakiilka Xarunta Midowga yurub u fadhiya rugta ganacsiga Xuseen Qadiib iyo Marwo Ijaabo Xasan oo ka mid ah ganacsatada Puntland, oo dhankooda madasha ka hadlay ayaa Hey’adda HIRDA ugu mahadceliyay soo dhaweynta iyo kulanka qiimaha badan oo ay la qaateen, iyagoona dhinaca kale ka warbixiyay ganacsiga iyo maalgeshiga ka socda dalka Soomaaliya, waxa ayna qurba joogta ugu baaqeen in ay dalka Soomaaliya maalgeshadaan, iyagoona dhinaca kale balan qaaday in qofkii la yimaada fikrad ganacsi oo ka gedisan kuwa ka socda dalka Soomaaliya uu heli doonaan maalgelin si uu ganacsigiisa usii wado.
 
Wasiirka Ganacsiga Maamulka Puntland, Cabdiweli Xirsi Cabdulle (Indha-guran) oo kulanka ka hadlay ayaa waxa uu hey’adda HIRDA ku amaanay howlaha kala gedisan oo ay u heyso bulshada kuwooda ku dhaqan qurbaha iyo gudaha dalka Soomaaliya, isagoona dhinaca kale ka hadlay doorka Puntland ay ku aadan sida ay usoo dhaweeneyso Soomaalida iyagu doonaya in ay maalgeshadaan dalkooda, waxa uuna carabka ku adkeeyay in puntland ay bixin doonto dhul hadii ay jirto maalgeshi wax ku ool ah oo dalka iyo dadka wax usoo kordhinaya.
 
La taliyaha Wasaarada Ganacsiga Somaliland, Maxamuud Jaamac Kheyre “Somaliland waxa ay horey usoo dhaweysay qurbo joog fara badan oo dalka meelgeshi ku sameynaya, waxa ay siisay dhulal, xilligaanna waxa ay diyaar la tahay in ciddii meelgeshi sameneysa ay soo dhaweyso”.
 
Wasiiru Dowlada Wasaarada Ganacsiga iyo Warshadaha Dowlada Federalka Soomaaliya, mudane Maxamed Xasan Aadan, oo cashada ka dib halkaasi ka hadlay, ayaa waxa uu hogaanka Hey’adda HIRDA ugu mahadceliyay soo dhaweynta qiimaha badan oo ay dalka Holland ugu sameeyeen mas’uuliyiinta maamulada dalka Soomaaliya, isagoona dhinaca kale amaanay howlada hey’adda HIRDA ay ka wado gudaha iyo dibada.
 
“Wax badan waan kala socdaa howlaha HIRDA caawana waxaa sharaf ii ah in aan madaxdeeda sare is aragno, oo ay nagu soo dhaweeyaan dalka Holland, waxa ay inoo suura geliyeen in aan dad qiimo badan is barano oo aan fikrado is dhaafsano, socdaalkeena waa mid aan qurba joogta ku dhiira-gelineyno in dalka la maalgeshado, idinkuna waxaad ka mid tihiin dadkii ugu qiimaha badnaa ee aan ku baraarujino in dalka la maalgeshado, ka dowlad ahaan waxaan gacan idin ku siineynaa in maalgeshigiina iyo ganacsigiina aan idin fududeyno si dalka iyo dadka aad wax ugu soo kordhisaan” Ayuu yiri Maxamed Xasan Aadan.
Ugu danbeyn Agaasimaha Hey’adda HIRDA, Drs. Faadumo Faarax oo kulanka ka hadashay, ayaa waxa ay aad ugu mahadcelisay mas’uuliyiinta kala gedisan ee ka socda maamulada dalka, iyadoona ku amaantay waqtiga iyo socdaalka dheer oo ay usoo galeyn in ay dadkooda warbixin ka siiyaan horumarka dalka, isla markaana ku dhiira-geliyaan sidii ay ugu qeyb qaadan lahaayeen maalgeshiga dalka taasi oo qeyb ka qaadan karta soo kabashada kaabayaasha dhaqaale ee dalka Soomaaliya.
 
“Waxaa aad noo farxad gelineysa in aan aragno Soomaali wada jirta oo mas’uuliyiin ah, kuwaasi oo si isku mid ah shacabkooda ugu dhiira-gelinaya in ay maalgeshadaan dalkooda, runtii qof weliba dalkiisa iyo dadkiisa waa waajib ka saaran in uu wax u qabto, maalgeshiga waa qeyb ka mid ah wax u qabashada dalka, waayo waxaad sameyneysa shaqo abuuris, waana filayaa in fursadaan ay ka faa’idyesan doonaan Soomaali fara badan, balse waxaan dhinaca kale idin kula dar-daarmi lahaa in maamulada ay ka qeyb qaataan sidii dhalinyarada loogu wacyi-gelin lahaa xirfadaha kala gedisan si loo hakiyo tahriibta iyo shaqo la’aanta dhalinyarada” Ayey tiri Drs. Faadumo Faarax, Agaasimaha hey’adda HIRDA.
 
Hormuud-yadii kulanka ku sugnaa waxaa ka mid ahaa; Garyaqaanad  Shamso Sheekh Xasan oo madax ka ah Hey’adda SONPCAN, Guddoomiyaha Hay’adda warbaahineed ee Hayaan Media Sayid Ali Caseyr, Madaxa Ururka IFTIN Shukri Xasan, Aqoonyahan Cabdishakuur Xalane, Guddoomiyaha Jaaliyadda Puntland ee Holland, mudane Dahir Kawer iyo marti sharaf kale.
 
Casho sharafta lagu soo dhaweenayay mas’uuliyiinta Maamulada dalka iyo ganacsatada, ayaa waxa ay aheyd mid warbixino iyo fikrado, la isku dhaafsaday, isla markaana lagu soo bandhigay  fursado qaali ah oo ay soomaalida qurba joogta ka faa’ideysan karaan.
Casho-Sharaf-1 Casho-Sharaf-2 Casho-Sharaf-3 Casho-Sharaf-4 Casho-Sharaf-5 Casho-Sharaf-6 Casho-Sharaf-7 Casho-Sharaf-8 Casho-Sharaf-9 Casho-Sharaf-10 Casho-Sharaf-11 Casho-Sharaf-12 Casho-Sharaf-13 Casho-Sharaf-14
 
Salah Hassan Omer (Salah Dheere)