Markii ay Mooshinka Ku Fashilmeen ayey Qorsha kale Dageen Guddoomiye Mursal iyo Kooxdiisa

0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamad Mursal C/Raxmaan ayaa la sheegay in uu ku wajahanyahay magaalada Baydhabo iyadoo socdaalkiisa Baydhabo uu yahay Qorshe Cusub oo ay dageen Xubnaha Mucaaradka ee Mooshinka ka keenay Madaxweyne Farmaajo.

Guddoomiye Mursal ayaa la sheegay in marka uu Baydhabo tago uu Shaacin doono in uu Naftiisa uu Muqdisho kala soo cararay lana handaday sidoo kalana uu maxbuus ku ahaa Villa Somalia.

Maadaama aysan heysan Codad ku filan oo Madaxweynaha xilka looga qaadi karo waxaa ay door bidayaan in beesha Caalamka laga horkeeno Madaxweynaha markaasna uu Cadaadis kala kulmo Beesha Caalamka.

Haddii Plan A uu socon waayo waxaa ay Isticmaali doonaan Plan B oo ah Kan Hadda qorshahiisa uu Socdo.

Xildhibaanada Mooshinka keenay qaarkood ayaa Saakay Meel Fagaaro ah waxa ay ka sheegeen in guddoomiye Mursal uusan xor aheyn wixii ka dambeeyay markii uu qabtay Mooshinka Madaxweyne Farmaajo laga keenay.

Marba marka ka dambeysa waxaa sii kordhaya xasaradda siyaasaddeed waxaana socda kulamo gooni gooni ah iyo qorshayaal siyaasaddeed.