Animation

Markab ku soo caariyay Xeebta Boosaaso ee gobolka bari

no responses
Friday November 6, 2015 - 6:08 under Somali News by admin
mqdefault
Spread the love

Wararka laga helayo deegaanada Puntland ayaa sheegaya in markab kaluumeysi uu ku soo caariyay xeebaha Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.

Markabka soo caariyay waxa la sheegay inay leeyihiin garancsato Puntland ka soo jeeda wuxuuna iminka yaal meel ku dhow dekada Boosaaso.

Xaalad cabsi ah ayaa ka jirta in Markabkaasi quuso madaama halka uu ku caariyay hore sidaan oo kale uu ugu caariyay marab reer Puntland u rarnaa kaasoo ugu danbeyn quusay.

Warar ku dhow Mas’uuliyiinta Dekada Bosoaaso ayaa sheegaya in markabkaani hada caariyay dhawaan laga eryay dekada kadib amar ka soo baxay Maamulka Puntland.

Taliyaha Ciidanka Ilaaladda Dekedda Boosaaso Maxamed Cali Xaashi ayaa ka hadlay xaalada markabkaan wuxuu qirey in amar ka soo baxay wasaarada dekada Puntland lagu amrey markabka inuu dekada ka furto sidaas uu ku caariyay.

Sidoo kale Mas’uulkaan wuxuu sheegay in dhamaan shaqadii dekada ay xaniban tahay ayna jiri wax soo degaya iyo wax baxaya inkastoo uusan faahfaahin sababta xanibaada.

kismaayo24.com

abdi kafi abdi abdulle

Facebook Comments