Markab Imaaraat-ka leeyahay oo kusoo xirtay Dekedda Muqdisho kaasi oo qaadi doono saanaddii milatari ee….

0

Dekedda weyne ee Muqdisho waxaa taagan markab Imaaraat-ka leeyahay oo Lagu daabuli doono Saanaddii milatari ee Imaaraat-ka u tiilay xarumahii uu ku tababaraayay ciidamada xoogga dalka.

Inta ugu badan alaabtii iyo saanaddii milatari ee Imaaraatka u tiilay xarunta tababarka ciidamada ee Gen gordan waa uu kala baxay waxaana lagu daad gureeyay kunteennaro waaweyn.

Markabkaan oo lagu magacaabo MV Jabel Ali 7 ayaan wadin wax alaab ah waxaana loogu tala galay in uu muqdisho ka qaado saanadda milatari ee Imaaraat-ka ku tababari jiray ciidamada dowladda federaalka.

Agabyadii u yiil xerada tababarka ee Jen. Gordon iyo alaabihii yaallay xarumaha caafimaadka ayaa la isugu geeyay xarunta Safaaradda, halkaasoo lagu wado in dhowaan laga qaado, lana geeyo Dekeda Muqdisho, si loogu raro Markabka taagan.