Animation

Mareykanka oo Soomalia ka geestay Duqeymo dhowr ah 24-kii saac ee lasoo dhaafay iyo goobaha la duqeeyay oo…..

no responses
Monday November 13, 2017 - 11:58 under Somali News by admin
mqdefault
Spread the love

Your ads will be inserted here by

Easy Plugin for AdSense.

Please go to the plugin admin page to
Paste your ad code OR
Suppress this ad slot.

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in 24-kii Saac ee ugu dambeeyay ay 3 meelood oo kala duwan ay duqeymo ka fuliyeen diyaaradhooda nuuca  aan duuliyaha lahayn, islamarkaana ay ku dileen tiro ka tirsanaa dagaalyahannada Xarakada Al Shabaab.

Afhayeen u hadlayTaliska Mareykanka Africom ayaa sheegay in duqeynta koowaad ay ka geysteen deegaanka Buulo Gaduud ee Gobolka Jubbada Hoose, halkaas oo fariisin u ah Al Shabaab, islaamarkaa ay ku dileen dagaalyanno ka tirsanaa Al Shabaab oo aysan tiradooda Cayimin.

Duqeynta labaad ayuu sheegay Mareykanku in ay ka fuliyeen Gobolka Shabeelaha Hoose meel 40 KM u jirta Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho, kuna dileen xubno ka tirsanaa Al Shabaab, oo ay bartilmaameedsadeen.

Your ads will be inserted here by

Easy Plugin for AdSense.

Please go to the plugin admin page to
Paste your ad code OR
Suppress this ad slot.

Duqeynta seddexaad ayaa warbixinta lagu xusay in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareynkanku ay ka fuliyeen Buuraleyda Puntland oo ay ku sugan yihiin Kooxda Daacish.

Waxa ayna sheegeen in weerarkani uu yahay kii labaad ee uu Mareykanku ku qaado Daacishta ku sugan Soomaaliya, gaar haan deegaanada Puntland.

Ugu dambeyn Mareykanka ayaa wacad ku maray in uu sii wadi doono duqeymaha iyo weerarada uu ku qaadayo fariisimaha Xarakada Al Shabaab iyo Ururka  Daacish ay ku leeyihiin Soomaaliya.

Your ads will be inserted here by

Easy Plugin for AdSense.

Please go to the plugin admin page to
Paste your ad code OR
Suppress this ad slot.