Mareykanka oo sheegtay in uu Duqeyn ku dilay xubno ka tirsan Al-Shabaab

0

War kasoo baxay dowladda Mareykanka ayaa lagu sheegay in ay dileen dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ka dib howlgal ay ka fuliyeen gobolka Shabeelaha Hoose.

Howlgalkaasi ayaa waxaa fuliyay diyaaradaha dagaalka dowladda Mareykanka, waxaana uu ka dhacay meel u dhow degaanka Mubaarak ee gobolka Shabeelaha hoose.

Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee Qaaradda Afrika ayaa sheegay in diyaarad ay leeyihiin ay  Beegsatay dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugnaa meel u dhow Mubaarak, islamarkaana isku diyaarinayay in ay weerar ku qaadaan tuulo ay gacanta ku heyso dowladda Soomaaliya.

Mareykanku waxaa uu sheegay in dagaalyanadii halkaasi ku sugnaa qaarna ay dhinteen kuwo kalena ay dhaawacmeen.

Waxa ay Ciidamada dowladda Mareykanka ay xaqiijiyeen Labo ka mid ah dagaalyahanada Al-Shabaab in ay dhinteen, Saddexkalena ay dhaawacmeen, sidoo kalena ay burburiyeen Gaadiid dagaal.

Majiro wax war ah oo kasoo baxay Al-Shabaab oo ku aadan hadalkaan kasoo baxay dowladda Mareykanka ee ah in ay dileen dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab.

Dowladda Mareykanka ayaa bilihii lasoo dhaafay si weyn u xoojisay duqeynta ay ka fulinayso gobolka Shabeelaha Hoose.