Somali News

Mareykanka Oo Ka Hadlay Duqeyn Cusub Uu Ka Fuliyay Jubbada Dhexe

Taliska Ciidanka Mareykanka ee Qaaradda Afrika ee loo yaqaano ARICOM ayaa faah faahin ka bixiyay duqeyn diyaaradeed oo saacadihii lasoo dhaafay ay ka fuliyeen Degmo ka tirsan Gobolka Jubbada Dhexe.

War qoraal ah oo kasoo baxay AFRICOM ayaa  waxaa ay ku sheegeen in iyaga oo kaashanaya Ciidanka dowladda Soomaaliya ay duqeyn ka geysteen meel ku dhow Degmada Jilib, halkaas ay fariisin ku lahaayeen xubno ka tirsan Al-shabaab.

Sidoo kale AFRICOM ayaa sheegtay in duqeyn oo dhacday gelinkii dambe ee shalay ku dileen xubin ka tirsan Al-shabaab, isla markaana aysan jirin wax Khasaaro ah oo howlgalkaas kasoo  gaaray dadka rayidka ah.

Waa duqayntii saddexaad ee Mareykana uu bishaan Janaayo ee 2020 gudaheed ka gaysto Soomaaliya gaar ahaan deegaanada ay dalka kaga sugan yihiin Al-shabaab.

Related posts

Dhageyso: Warbixin ku saabsan Ganacsiga Degmada Baled-xaawo ee Gobolka Gedo.

admin

Shirka Gollaha Wasiiradda oo looga hadlay Xaaladda fatahaada ee wabiyadda Jubba iyo Shabell iyo Ansixinta Hab-Maamuuska….

admin

XOG: Saraakiil iyo Wasiiro ka Tirsan Puntland oo goordhaw gaaray Deegaanka Garacad ee Gobolka Mudug

admin