Somali News

Mareykanka oo duqeymo ka geystay gobolka Jubbada Dhexe iyo warbixin ay kasoo saareen

Ciidamada Mareykanka ee ku sugan Afrika oo looyaqaano (AFRICOM) ayaa weerar dhanka cirka ah ka fuliyay gobolka Jubbada Dhexe gaar ahaan degmada Jillib sida lagu sheegay warbixin ay soo saareen AFRICOM.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in ciidamada Mareykanka oo kaashanaya kuwa Soomaaliya in ay siwadajir ah howlgalkaas u fuliyeen isla markaasna ku bartilmaameedsadeen saraakiil sar sare oo ka tirsan Al-Shabaab.

Mareykanka ayaan shaacin khasaaraha ka dhashay duqeyntaas oo uu horay u sheegi jiray in lagu dilay Xubno ka tirsan Al-Shabaab,balse Warka Africom lagu sheegay inay baarayaan.

Mareykanka ayaa warbixintooda ku soo gaba gabeeyay in ay sii labba jibaari doonaan weerarada ay ka fulinayaan Soomaaliya ee ay ku bartilmaameedsanayaan Saraakiisha Alshabaab ilaa ay amaanka guud ee dalka ku wareejiyaan ciidamada xooga dalka Soomaaliya.

 

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Oo Xil Cusub Magacaabay (Wareegto)

admin

DEG DEG: Soomaliland oo Dagaal culus kusoo dhaweysay Farmaajo xili ay la wareegtay deegaan muhiim ah oo….

admin

Dowlada Kenya oo Markale ku Caga jugleeysay in Darbiga ay ka dhiseyso Xadka ay la Wadaagto Soomaliya ay ku Dhameystiri doonto Mudo dhan…..

Tifaftiraha K24