Somali News

Mareykanka oo duqeymo ka fuliyay gobolka Jubada Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanaya Mareykanka ayaa duqeymo waxay ka fuliyeen deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Dhexe ee Koonfurta Soomaaliya.

Saraakiisha horkacaysay howlgaladaas aya warbaahinta u xaqiijiyay in duqeymo lafuliyay lagu dilay sarkaal sarre oo ka tirsan Alshabaab.

Taliska Mareykanka ee AFRICOM-na waxaa ay sheegeen in Weerarkaas uu ka mid ahaa weerarrada ka dhanka ah Al-shabaab ee lagu taageerayo dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Warka Mareykanka ayaa lagu xusay in ilaa hadda uusan jirin dad shacab ah oo ay waxyeello ka soo gaartay duqeynta uu shalay ka fuliyay degmada Saakow ee Gobolka Jubada dhexe.

Related posts

TOP NEWS: Dhageyso: Axmad Madoobe oo Farta ugu fiiqay Xildhibaanada Cusub Madaxweynaha ay….

Tifaftiraha K24

SAWIRRO: Ciidanka dowlada oo joojiyay dagaal beeleed dhiig ku daatay.

admin

Dhageyso:-Duqa Muqdisho Oo Baaq U Diray Ganacsatada Iyo Shacabka

admin