Maraykanka oo soo saaray Shuruuc uu kuweyn karo Madaxweyne Farmaajo Dhalashada Maraykanka.

0

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa halis ugu jiro inuu waayo Dhalashada dhanka Mareykanka kadib go’aan xasaasi ah oo kasoo baxay Dowladda Mareykanka.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa soo saartay amar xasaasi ah oo ku socdo muwaadiniinta dalkaas u dhashay ee wadamada kale ka hayo xilalka Siyaasadeed ee saameynta leh.

Amarka kasoo baxay Wasaaradda ayaa ah mid lagu caddeynayo Shuruucda dalkaas u taal, waxayna wasaaradda sheegtay inay macquul tahay in qofkaas lumiyo Dhalashada dalka Mareykanka.

Amarkaan ayaa qabanaya muwaadiniinta Mareykanka ee u tartamay ama loo dhaariyey xilal kale oo ay ka qabtaan Wadamo kale.

Dowladda Mareykanka ayaa ku tilmaamatay In muwaadiniinteeda ay u tartamaan xilal wadamo kale ay tahay mid sharci darro ah oo aan marnaba waafaqsaneyn shuruucda u taal dalka Mareykanka.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa labadii sano ee uu hayay xilka waxaa uu ka baaqsaday in uu tago Mareykanka, waxaana jira dad ku doodaya in haddii madaxweynaha uu tago Mareykanka ay dhici karto in loo qaabilo si ka duwan madaxweyne qaran, maadaama wali uu haysto basaboorka Mareykanka.

Madaxweynaha ayaa dhawr kulan oo ka dhacay Mareykanka wuxuu u diray Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre inkastoo ay madaxtooyada ku doodeyso inuu madaxweynaha ku mashquulsanaa shaqooyin kale.