Mandheera:- Guddoomiyayaasha Mandheera iyo G/Gedo oo ka wada hadlay amniga labada dhinac

0

Guddoomiyaha Magaalada Mandheera ee Waqooyi Bari Kenya ayaa waxaa ay kulan la qaateen wafddi uu hoggaaminayay Guddoomiyaha Gobolka Gedo ee Soomaaliya.

Cali Roobow waxaa uu Mandheera ku qaabilay Wafddi uu hoggaaminayay Maxamuud Aadan oo ah guddoomiyaha Gobolka Gedo ee Soomaaliya,waxaana ay ka wada hadleen amniga labada maamul.

Arrintan waxaa ay timid iyada oo Mamaulka Gobolka Gedo ee Soomaaliya uu xiray sohdinta Kenya kaddib markii Kenya ay dhismaha darbiga Sohdinta ku dartay qeyb ka mid ah beledxaawo.

Labada Guddoomiye ayaa sheegay in bulshada labada dhinac ay isku miyihiin islamarkaana aysan ahayn dad kala go’i kara ama ay sohdin iyo darbi uu kala saari karo sidaas darteedna loo baahanyahay in si wadajir ah wax looga qabto amniga Gobolka.

Al-shabaab ayaa weerarro ka dhanka ah Maamullada Dowladaha Kenya iyo Soomaaliya ka geysta degaannadas,waxaana ay taas sababtay in kenya ay xirto Sohdinta iyada oo sheegeysa in AL-shabaab ay dhinaca Soomaaliya ka galaan.

Intii uu socday wadahadalka waxaa ay isku afgarteen in ay wadajir uga shaqeeyaan amaanka gobolka islamarkaana ay meesha ka saaraan muranka ka taagan Mandheera iyo Beled Xaawo.