Somali News

Maleeshiyo beeleed isku hor fadhiya dagmada Walnlaweyn

Xiisad u dhaxeysa Labo maleeshiyo beeled ayaa lagu soo waramayaa iney maanta ka taagan tahay degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabellaha Hoose.

Waxa ay xiisaddan salka ku haysaa dagaal shalay Labadan dhinac ku dhexmaray degmadaasi, waxaana dagaalkasi ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Inta la xaqiijiyey Saddex qof ayaa dagaalkaasi ku dhintay, waxaana ku dhaawacmay Shan qof kale oo shacab u badan, sida ay inoo sheegeen dadka deegaanka qaarkood oo aynu la hadalnay.

Dhanka kale, wararka aan helnay ayaa waxay sheegayaan in maamulka degmada Wanlaweyn ee Shabellaha Hoose wadaan dedaallo lagu doonayo in lagu xalliyo xiisaddan.

Related posts

Daawo Farax Cabdiqadir oo bixiyay waraysi xasaasi ah.

admin

XOG: Maxaad kala Socotaa in Taliyaha Ciidamada Milatariga Gobolka Galgaduud Mudo bil ku ddhaw uu Xabsi Beledweyne ku yaalo uu ku xiranyahay Maxay tahay Sababta loo xiray Taliyaha?

Tifaftiraha K24

Madaxweyne Farmaajo oo Booliska Soomaliyeed ugu hambalyeeyay sanad-guuradii 74-aad

admin