Animation

Malaayiin Xujey Muslimiin ah oo Maanta taagan Banka Carafo kadib Markii ay soo…

no responses
Sunday September 11, 2016 - 8:19 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Malaayiin Xujeey Muslimiin ah oo sanadkan gudaneysa waajibaadka Xajka ayaa maanta taagan Banka Carafo kadib markii ay soo guteen Acmaal kaladuwan oo ka mid ah Arkaanta Xajka.

Maanta oo ah Sagaalka Dul Xaji waxeey Xujeeydu taaganyihiin Banka Carafo oo ay ku duceysanayaan iyagoo halkaasi joogi doona ilaa gabal dhaca maanta, iyadoo dadka Muslimiinta ah ee ku nool caalamka ay  maantoo kale oo ah sagaalaadka Carafo ay soomanyihiin kaas oo ah suno aad u ajar badan.

Xujeyda ayaa xalay ku baryay Mina,  iyagoo maantana ku Alle baryaya Banka Carafo, maalinta berito ahna waa ciidul Adxa,  sidaas ayaana la rajeynayaa iney kusoo gebageboowdo Acmaasha xajka ee sanadkan.

Xujey farabadan oo Soomaali ah ayaa ka qeybgalay Xajka sanadkan,  kuwaas oo ka kala tegay dalka iyo dibada, waxaana la sheegay in xajka sanadkan aysan ka dhicin wax dhibaato ah.