Animation

Magacyada xubnaha hubka ka kireeya Al-Shabab ka kenya

one response
Friday November 6, 2015 - 6:36 under Somali News by admin
mqdefault

Ciidamada amaanka dalka Kenya, gaar ahaan kuwa magaalo xeebeedka Mombassa ayaa gacanta ku dhigay laba ruux oo la sheegay in Maleeshiyada Al-shabaab ay ka kireysan jireen hubka weerarada ay Al-shabaab uga fuliso gudaha Kenya.

Nelson Marwa oo ah Taliyaha Boliska Gobalka Mombasa ee dalka Kenya, ayaa sheegay in Ciidamadu ay Howlgal kusoo qabteen labadaasi ruux, waxa uuna tilmaamay in muddo farabadan ay baadi goobayeen balse iminka ay gacanta kusoo dhigeen.

Labadaani ruux ayaa la sheegay in hubka ay Al-shabaab meel u dhigi jireen, Kooxduna halkaasi ay ka qaadan jirtay kadibna ay sidaa ugu fulin jirtay weerarada.

Labadaani danbiilayaal ayaa waxaa lagu kala magacaaba:-

Salim Ismail, waxa ay ciidamadu gacanta ku dhigeen isagoo wada 6 Bistoolad oo Al-shabaab ay u adeegsan jirtay madax jabinta, waxaana lagu sameeyey hub-ka-dhigis.

Swaleh Hamisi, waxa uu la shaqeyn jiray ruuxa uu magaciisa kor ku xusan yahay waxaana lala xiriirinayaa inuu ka qeybqaatay dilka dhowr askar oo ka tirsanaa Booliska Kenya.

Saraakiisha Booliska Kenya waxa ay sheegen inay rumeysan yihiin in ragaasi ay ka mid yihiin dadkii ku biiray Al-shabaab, ee sida dhuumaalaysiga dib ugu soo laabtay Kenya.

Dhinaca kale, Booliska ayaa wada baaritaano ay ku baadi goobayaan Maleeshiyaad kale oo Al-shabaab u qaabilsan Nairobi.

kismaayo24.com

Abdirahman Abdisalam Haji
Kismaayo, Somalia