Animation

Magaalada muqdisho iyo magaallooyinka dalka oo maanta laga xusaayo 15-ka may

no responses
Monday May 15, 2017 - 9:02 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Maanta oo ay ku beegantahay 15 may waxaa wadanka soomalia oo dhan looga dabaal dagaya xuska maalinta dhalinyarada soomaliyeed ee 15 may .

Munaasabaddo balaraan oo lagu xusaayo 15 may ayaa waxa ay ka socdaan magaallooyinka dalka sida muqdisho,kismaayo,garoowe,beledweyne,jowhar iyo magaallooyinka dalka oo dhan.

Magaalada muqdisho ee caasimadda soomalia ayaa waxaa hada ka socda dabaal dagga ugu weyn ee lagu xusaayo maalinta dhalinyarada soomaliyeed ee 15 may oo hada laga joogo 74 sano markii dalkaan ay xornimadiisa u dagaalameen dhalinyaradii gobanima doonkii SYL.

Madaxweynaha jamhuuriyadda soomalia mudane maxamad c/llahi farmaajo ayaa ugu hambalyeeyay dhalinyarada soomaliyeed 15 may waxaana munaasbadda 15 may darteed uu ubax dhigay taalada SYL oo si aad ah loo xardhay.

Xubno labada gole ka tirsan ayaa madaxweynaha ku wehlinaayay socdaalkiisa uu ku tagay taalada SYL ee uu maanta ubax dhigay waxaana kadib madaxweynaha uu usii gudbay garoonka kubadda cagta ee banaadir stadium ex koonis oo hada ay ka socoto munaasabadda ugu balaaran oo 15 may loogu dabaal dagaayo.

Madaxweynaha iyo xubno golaha wasiirada ka tirsan iyo guddoomiyaha gobolka banaadir ahna duqa muqdisho ayaa sidoo kale munaasbaddaan ka qeyb galaya.