Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/8/7/9/kismaayo24.com/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 284 Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/8/7/9/kismaayo24.com/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 284 Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/8/7/9/kismaayo24.com/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 284 Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/8/7/9/kismaayo24.com/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 284
Breaking News Maqaalo Maqaalo iyo Warar Somali News Top News

Madxweynaha Jabuti Ismaail Cumar Geelle oo la kulmay Madaxweyne Xasan Sheekh

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Jamhuriyadda Djibouti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa maanta kulan ku yeeshay xarunta madaxtooyada ee magaalada Djibouti.

Labada hoggaamiye ayaa ka wadahadley xoojinta iskaashiga iyo xiriirka labada dal, dardargelinta xaaladda amniga ee Soomaaliya iyo kan gobolka intaba.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulankaasi dowladda Djibouti iyo Madaxweyne Geelle uga mahadceliyey sida ay mar walba u garab taagan yihiin walaalahooda Soomaaliyeed, naftoodana ay u hureen sidii Soomaaliya ay dib cagaheeda isugu taagi lahayd.

Madaxweyne Geelle ayaa isna ku ammaaney dowladda Soomaaliya iyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, dadaalka iyo horumarka ay ka sameeyeen dhanka sugidda amniga, siyaasadda iyo dib u heshiisiinta, isagoo intaa raaciyey in mar walba ay diyaar u yihiin taageero dhan kasta leh oo ay Soomaaliya u fidiyaan.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Djibouti ku soo dhoweeyay Ra’iisul Wasaaraha Djibouti, Cabdulqaadir Kaamil Maxamed iyo mas’uuliyiin kale.

Marka uu dhammeysto booqashada uu ku joogo Djibouti, waxaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu uga sii gudbi doonaa magaalada Riyadh ee dalka Boqortooyada Sacuudiga, halkaas oo uu kaga qeybgeli doono Shir Madaxeedkii 4-aad ee waddamada xubnaha ka ah Jaamacadda Carabta, iyo dalalka ku yaalla Koonfuurta America.
kismaayo24.com
abdi kafi abdi abdulle

Related posts

SAWIRRO: Madaxweyne Guuleed Oo La Kulmay Hogaamiyaha Aqlabiyada Barlamaanka Kenya.

admin

Top News: Al-shabaab iyo ONLF oo isbaheystey isla markaana dagaal kala hor yimid Ciidamadda…………..

admin

Maxaadan Ogeyn Oo laga Soo Sheegayaa Baledweyne (War Ayaan Idinkaga Wadnaa)

Tifaftiraha K24