MADDASHA LOOGA HADLAYO HELIDA WAXBARASHO LOO SIMAN YAHAY IYO KA QEYBGALKA GABDHAHA EE DUGSIYADDA

0

MADDASHA LOOGA HADLAYO
HELIDA WAXBARASHO LOO SIMAN YAHAY IYO
SARE UQAADIDA KA QEYBGALKA GABDHAHA EE DUGSIYADDA
Taariikh: 18 – 19 Agoosto 2018
Goobta: Magaalada Caddaado ee Dowlad Gobaleedka Galmudug, Soomaaliya

 

 

Maanta waxay EFASOM soo gabagabeysey kulan 2 maalin ah oo looga hadlayey sare u qaadida waxbarashada gabdhaha ku nool deegaanadda maamul-goboleedka Galmudug.

 

Kulanka oo socdey laba (2) maalin waxaa ka soo qeyb-galey bulshada rayidka, dhalinyaradda, haweenka, iyo xubno ka tirsan dowladda.

 

Ka qeyb-galayaasha ayaa arimaha ay ka hadleen kusoo koobey sasabta ay dowladu u fulin waysay waxyaabihii ay balan qaaaday iyo xaqa waxbarashadda gabdhaha oo aan sidii loo baahnaa loo gaarsiin:

  1. Waxay jira dadka qaar sida waalidiinta oo aan gabdhaha keenin dugsiyadda
  2. Dowladda oo aan awood dhaqaale lahayn.
  3. Deegaano qaar ah oo aysan ka jirin wacyigelinta waxbarasho
  4. Dhaqanka Somalida miyigga oo saameeyay inaan gabdhaha wax la barin.

 

Falanqeyn ka dib, waxaa lagu tilmaamey in ay jiraan arimo aanan gabdhaha looga maarmin taas oo culeys ku keeni karta waxbarashada gabdhaha hadii aan la caawin sida:

Cabdirashiid Cali Maxamed oo ka tirsan dhalinyaradda Bulshada Rayidka oo waxa uu ka hadley madasha, kana jawaab bixiyey sababta loo siin waayay waxbarasho siman wiilasha iyo gabdha.

  1. Gabdha inta badan waxaa loo adeegsadaa guriga iyo in ay ka qayb qaataan korinta caruurta
  2. In gabadhu guursato ayada oo waxbarashadii ka harto sidaasna cidu ay qasaaro u arkaan
  3. Gabdhaha oo qaarkood iska dhigaya in ay wiilasha ka karti yaryihiin
  4. Waaaalidka oo aaminsan wiilka in uu ka waxbarasho wanaagsanaan karo gabadha

Ifraax oo ka tirsan bahda waxbarashada ee Gobolka waxay sharaxaad ka bixisay sababta wax loo bari waayay gabdhaha qaarkood miyi iyo magaalaba :

  1. Dadka soomaliyeed ee ku nool miyiga mahelaaan adeega waxbarasho
  2. Waxaa jira sababo dhaqaale maadaama aysan jirin waxbarasho bilaash ah
  3. Hooyooyinka qaar oo miyiga jooga ma ogolo in ay gabdhahooda ka fogaadan oo meel kale waxbarasho loo geeyo
  4. Dadka qaar oo aan dhaqaale ku filan haysan waxay siiyaan wiilasha waxbarasho gabdhahana guriga ayay ka shaqeeyan

Ugu danbeyntii waxaa soo xerey kulanka maanta Mudane Cabdiraxman Cabdulahi Xuseen oo ah Gudoomiyaha Dagmada Cadaado. Wuxuu hadalkiisa ku soo koobay:

  1. Dagmadu waxay ku dadaashaa in ay wacyigaliso dadka ku nool magaaladda Cadaado
  2. Gabdhaha waxbarashadda waxay ugu yar yihiin waxaa hooseeya wacyiga bulshada
  3. Hooyooyinka oo shaqeeyo isla markaana gabdhaha guriga uga tagto

DHAMAAD