Madaxweynihii ugu horeeyay Maamulka Galmudug oo geeriyoodey

0

Allaha u Naxariistee waxaa Magalada Nairobi ee Caasimadda Dalka Kenya ku geeriyooday Madaxweynihii ugu horreeyey ee Maamulka Galmudug ahaana Aas’aasihii Maamulkaas  Amb Maxamed Warsame Cali (Kimiko).

Marxuumka ayaa maalmahaan ku xanuunsanaa Gudaha dalka Kenya,hayeeshee xalay Abaara saacadu markii ay aheyd 04:30 am uu ku geeriyooday Magaalada Nairobi ee dalka Kenya sida ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah eheladiisa.

Alle ha u Naxariistee Amb Maxamed Warsame Cali (Kimiko) ayaa ka sokow in uu soo noqday Madaxweynihii ugu horeeyey ee Galmudug ayaa waxa uu sidoo kale soo qabtay xilal ay ka mid yihiin, Safiirka Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay (Head of Mission) , La-taliye sare ee Madaxweyne Siyaad Barre iyo sidoo kale uu soo kala qabtay safiirka Soomaaliya u fadhiya  Wadamada Faransiiska iyo magaalada Washington ee dalka Mareykanka.

Geerida Madaxweynihii ugu horeeyey ee Maamulka Galmudug  Maxamed Warsame Cali (Kimiko) ayaa waxaa ka tacsiyadeeyey, Siyaasiyiin, Xildhibaano iyo dad xilal ka haayo dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu ka mid yahay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Eng, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow.